Dawladda Ingriiska Oo Ku Dhawaaqday In 1.1 Bilyan Dollars Ay Ku Bixinayso Kor Uqaadista Amaanka Dalkeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Ingriiska Oo Ku Dhawaaqday In 1.1 Bilyan Dollars Ay Ku Bixinayso Kor Uqaadista Amaanka Dalkeeda
July 14, 2014 - Written by Editor:

London(Wajaalenews); Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in dhaqaale gaadhaya 1.1 bilyan dollars ay ku bixinayso kor u qaadista ammaanka dalkeeda gaar ahaan ka hor tagga weerarro argagixiso iyo khataro dhinaca ammaanka oo dalkaas ka dhaca.

dawlada britain

Sida u sheegay Ra;iisal-wasaaraha dalkaas David Cameron dhaqaalahan ayaa ah mid lagu maalgelinayo ciidammada millategiga addankaas wuxuna sidoo kale sheegay in dhaqaalahan lagu bixin doono adeegyada sirdoonka waddankiisa siiba dhinacyada qalabka sirdoonka diyaaradaha aan cidi wadin iyo ammaanka dalkiisa.

Ra;iisal-wasaare David Cameron wuxu sidoo kale digniin kazoo saaray in dalkiisa ay ka dhacaan arrimo amni darro oo ay geystaan waxa uu ugu yeedhay argagixisada caalamka isagoo sheegay inay bar-tilmaameedsan karaan debedda iyo gudaha dalkaasi.

Dhaqaalahan cusub ee ciidammda Ingiriiska ayaa Ra;iisal-wasaare David Cameron wuxu sheegay inay ku jirto 800 milyna oo Pound si loogu maal geliyo arrimaha sirdoonka iyo agabka ay u baahan yihiin ciddamadaasi.

Wuxuna sheegay in ujeeddada ugu weyni tahay in looga hor tago weerarrada ay geysanayaan kooxaha xidhiidhka la leh Alshabaab.

Dhinaca kalena maalmo ka hor ayay ahayd markii dawladda Kenya soo saartay digninn ku aaddan muwaaddininnteedu in aanay u safrin magaalada London kana degin madaarka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London

COMMENTS
LINKS