Dawladda Dalka DENMARK Oo Digniin Kasoo Saartay Shirkadda Xawiladdaha Lacagaha Ee DAHABSHIIL | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Dalka DENMARK Oo Digniin Kasoo Saartay Shirkadda Xawiladdaha Lacagaha Ee DAHABSHIIL
July 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Denmark cabsi badan ayey ka qabtaa hawlaha ganacsi ee Shirkadda Dahabshiil ka wado gudaha dalkeeda, Sidoo kale dawladaasi Denmark waxay dalbanaysaa in hawlwadeenada Dahabshiil la saaro Maxkamad sidoo kalena lagala laabto Leesinka shaqada, waxaa sidaas lagu sheegay Dacwad ay Wasaaradda Ganacsiga Denmark waaxdeeda loo yaqaan FSA u gudbisay Boliiska sida ku cad warbixintaan oo aan ka soo turjunay Website-ka FSA.

Kontoroolka iyo la socodka Shirkadaha xawaalada ayaa aad u yar. Boliiska ayaa ka cabsi qabo iney albaab u furayaan dambiilayaasha.

Xiligaan kuleelaha ayaa Hay’ada la socodka dhaqaaqa lacagaha(Finanstilsynet) ku dacweysey laba shirkadood oo yar yar boliiska, Midkoodna waa Dahabshiil. kuwaas oo Kobehagen ku yaal. Finanstilsynet ayaa cabsi ka qabta, sida ay wax u wadaan Shirkadahaas.

Cabsidaas oo ah iney dhaqaan lacagaha dadka dambiilayaasha ah oo si qaldan u helay lacagtaas iyo iney lacag u xawilaan ururada argagaxisyada ah ee dibada.

Waxaa muhiim ah iney shirkadahaas si sax ah u og yihiin magacyada dadka isticmaala xawaaladahaas, isla markaasna ay foojignaan gaar ah u yeeshaan hadii si qaldan loo isticmaali karo shirkadahaas. Hadii aysan taas dhicin waxaa boliiska ku adkaaneyso iney ogaadaan hadii si qaldan oo dambi ah loo isticmaalo adeegooda, sida lacag dhaqid ama caawinaad argagaxisnimo. Sidaa ayuu yiri Mark Andrew Rønnenfelt oo ah madaxa xafiiska Finans.

Hayadaha Lasocodka dhaqdhaqaaqa lacagaha ee denmark ayaa sheegtay in booliiska ka cabsi qabo maalgelin argagixiso iyo lacagta la dhaqay ?

Laba ka mida shirkadaha xawaaladaha lacagta ee Kobanheegan, waxay si weyn ugu xadgudbeen xeerka iyo sharciga u degsan xawaaladlayaasha Denmark ama Midowga Yurub.

FSA waxay boliiska u gudbiyeen Kiiska Xawaaladda Dahabshiil si ay ugu sameeyaan baaris dhameeystiran .Tan iyo 2012, wuxuu Xafiiska Serious Fraud ku helay 17 kiis Shirkadahaan wax xawila.

Cabsida ugu weyn waxay tahay qaabka ay gacanta ugu hayaan xogta dadka isticmaala shirkadaha xawaaladaha lacagta oo yar, iyo halista Khayaanada laga cabsanyo in ay albaabka u furi karto dembilayasha.Kuwaas oo isticmaali kara dambiilayaasha si ay sidoo kale lacagta la dhaqay ama lacag ay argagixisada dibadda u dirayaan.

Shirkadaha waa in la ogaado aqoonsiga ee macaamiisha ay wax u qabayaan, waana ku waajib ineey ilaaliyaan xeerarka u yaala qaybahaan iyo inay ogaadaan wixii macaamil ganacsi shaki ka galo taasoo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan Boliiska. Haddii shirkada Dahabshiil sidaasi yeeli weydo,waa hubaal in boolisku uu qaban doono soona heli booliska in badan oo ay adagtahay in la ogaado hawlaha dambi ah sida lacagta la dhaqay ama taageero argagixisada, waana arrin culus. Sidaa darteed, waxaan ku khasbannahay in booliiska u sheegto marka aynu aragno Xaaladaha gaar ahaan u fool xun, ayuu yidhi madaxa hay’ada FSA ninka liyaarhdo Mark Andrew Rønne.

 

laba shirkadood –ee Dahabshiil Money Transfer Service ee Kobanheegan waqooyi galbeed iyo Quick International Money Transfer ee Vesterbro ee Kobanheegan –ayaa lagu dhaleeceeyey sida aan waafaqsaneyn xeerka lacagaha ee ay maamuleen arrimahaooda lacag dirista, iyo weliba tababar la’aanta shaqaalaha ee iyagoo aan heyn ,maluumaad ka sax ah ee macaamiishooda. Iyo weliba wakiilo kale oo jooga meelo aan si sax loo ogeyn aanan la koontorooli karin sahaqadooda.

Waxaaa FSA aragtideeda ah in u hoggaansanaanta shirkadda Lacagta ka shaqeeyaahi iney u hogaansamaan shuuruucda dalkan u taala shaqaalaheedana u tababartaa. Waana waajib in hay’adaha dawlada lasocodsiiyaan wixii ay ka shikiyaan , laakiin dahabshiil weligeed lama soo xiriirin hay’adaha amniga iyo weliba laamaha dadwlada arrimo la xiriira arrinkaa. Waana qeyb kamida in hay’ada lacagaha ay booliska u gudbiso si ay usoo baaraan waxyaabaha ay qarisay Dahabshiil maadama la ogaaday inay xiriir la leedahay argagixisada Somalia.

Mar uu hadley Muse Farah Jama oo wakiilka Dahbshiil Denmark wuxuu sheegey inay isku dayayaan ineey ilaaliyaan sharciyada wadankaan, isagoo sheegey inay leeyihiin saddex wakiil oo kala jooga magaalooyinak kala ah Kolding , kuwaas oo ka madax banaan Dahabshiil International.

Wuxuu ku celceliyey ineey sixi doonaan wixii qaldan kuna dadaali doonaan ilaa linta sharciyada dalkan , laakiin kiisku hada wuxuu ku jiraa gacanta booliska oo baaraya ceedeymaha loo soo jeediyey Dahabshiil.

Go-aanka Dowladda Norway maaha mid qarsoon,hadii boliiska soo gudbiyaan cadeeyn la xiriirta inay Dahabshiil ku dhiiratay wax isdabamarin iyo lacag u diris kooxaha argagixisada waxaan kala laaban doonaa leesinka shaqada,iyadoo hoowlwadeenadana lala tiigsan doono Cadaalada si loo xukumo.

Dowladda Denmark cabsi weyn ayey ka qabtaa in Shirkadda Dahabshiil ka sii shaqeeyso dalkeeda maxaa yeelay waxaan dareenkaan kala simanahay Midowga Yurub waana sababta Barclays Bank iskaga diiday inuu la macaamilo Dahabshiil.

HALKAN KA AKHRI WARBIXINTAASI

https://www.finanstilsynet.dk/da/Tal-og-fakta/Vurderinger-af-finansielle-virksomheder/2014/VU-Dahab-Shiil-030714.aspx

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS