“Dalka Dhul Iyo Beri-ba Waa Laga Soo Xidhay, Waa Inay Umaddu Tashato” Siciid Sulub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dalka Dhul Iyo Beri-ba Waa Laga Soo Xidhay, Waa Inay Umaddu Tashato” Siciid Sulub
July 31, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukumaddii Daahir Rayaale Siciid Sulub Maxamed, ayaa Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku Eedeeyay inay dalka ka soo xidhay Dunida inteedii kale. Waxa uu sheegay inaan dalku ku soconayn car Juuq dheh iyo Cabudhin Saxaafadda lagu sameeyo,Xukuumada KULMIYE Kontayndhar Ayey ku Xidheen Dalka Oo Waa Kontayndhar Ah In Somaliya Uun La’la Macaamilo Oo La’la hadlo. Waar dalkan cir,dhul iyo beriba laga soo xidhay dal noqon maayo,haddii ay Dawladani u gogol dhigaysay uun in ay koonfur ku shubto intay dunida oo dhan ka xidhana waa ay muuqataa”. Ayuu yidhi Siciid Sulub oo u Waramayay wargeyska Geeska Africa.Siciid Sulub oo waxa uu sheegay inaanay suuro galayn Cabudhin Saxaafadeed oo Dawladdu samayso “Haday Tv-tahay iyo haday Jaraa’id ay tahayba iyo websites-ba dee car juuq dheh ku socon mayso,dalkanina ku socon maayo laguna heshiin maayo laguna wada noolaan maayo car juuq dheh”.Waxa uu soo jeediyay wada tashi si looga baxo Dhaliilaha jira “Waxaan o dhan lahaa marxalada maanta dalku maraayo Xukuumadu waxaa ay u baahan tahay in ay albaabada ay u furto wada tashi haday u furi waydana dee waa laga tashanayaa”. Ayuu yidhi Siciid Sulub.

Siciid Sulub Maxamed oo ka tirsanaa Xukumaddii Rayaale ayaa dhawaan ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Xukumadda ayaa maalmihii u dambeeyay Eedaymo u jeedinaysay Xisbiga waddani, siiba hogaanka oo ay dhibsatay sida uu uga soo hor jeedo mudo korodhsi Xukumaddu samaysato.

 

wajaalenews.net

hargeisa/office

C/raxmaan

 

COMMENTS
LINKS