Dalal kamida Latin America Oo Caydhiyey Safiirrada Yuhuudda ee Dalalkooda fadhiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalal kamida Latin America Oo Caydhiyey Safiirrada Yuhuudda ee Dalalkooda fadhiyay
July 31, 2014 - Written by Editor:

Santiago:(Wajaalenews)-Saddex ka mid ah Dalalka Ku yaalla Koonfurta Qaarada America, ayaa xasuuqa Qaza ka dhacaya dartii dalkooda ka caydhiyey wakiilladii Yuhuuddu ku lahayd.

Saddexda Dalka ee safiirrada Yuhuudda Caydhiyey, ayaa kala ahDalalka Chile, Bolivia iyo Ecuador, waxana ay dhammaantood ku dhiirradeen Tallaabadaas Geesinimada leh.

Madaxweynayaaasha Wadamadan ayaa sheegay sababta ay Safiiradaas uga ceydhiyeen Wadamadooda Inay tahay iyagoo ka xun Xasuuqa Gaza-Falastiin ka socda,waxaana arintan ka cadhootay Dawladda Isreal oo dacwad ka dhan ah Wamadaas u gudbisay Dalka Mareykanka oo taageersan weerarka iyo Xasuuqa Isreal ay ka geysanayaan Gaza.

Dalalka Carabta ayaa iyagu dhammaantood ku faraxsan dhibka lagu hayo haweenka iyo carruurta reer Falastiin, waxana ay xataa shacabkooda udiideen inay wax tallaabo ah oo dadkaas la xasuuqayo loogu calool-debcayo muujiyaan

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS