DAAWO; Marxuumad Saado Cali Warsame Oo Aas Qaran Maanta Loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Marxuumad Saado Cali Warsame Oo Aas Qaran Maanta Loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho
July 24, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho -(Wajaalenews)- Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta oo Khamiis ah aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho Xildhibaan: Saado Cali Warsame oo maalintii Arbacada dabley hubeysan ay ku dileen Muqdisho iyada oo saaran gaarigeeda.

Saaladdii janaasadda waxaa Madaxtooyada kula tukadey Madaxtooyada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowladda, Maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan . Kadib waxaa loo sameeyey aas qaran waxaa ka hadley qaar kamid ah Madaxda DOwladda federaalka ah ee Soomaaliya ,

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska kaddib ayaa sheegay dilka kooxaha Nabad-diidku u geysteen marxuumad Saado iyo kuwii ka horeeyay inuusan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka, waxana ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame cadaaladana la horkeenno.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii ay ka baxday marxuumad Saado iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaanad Saado Cali Warsame waxay ahayd qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, waxay dhimatay iyadoo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqaynaysa, Saado waxay la mid tahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doonto, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in marxuumad Saado fikirkeedii uun nool yahay, laguna xasuusan doono ololaheeda ahaa in Soomaaliyo cagaheeda isku taagto, waana in looga daydaa sidii ay ugu dhiirnayd in shacabka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan cadowgooda” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheekaan kooxaha dhibaatada ku haya hoggaamiyaasha qaran iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed .

DAAWO SAWIRO .

Saado Cali Warsame 2Saado Cali Warsame 3Saado Cali Warsame 4Saado Cali Warsame 5Saado Cali Warsame 6Saado Cali Warsame 1

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS