Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaadhigii Cali Khaliif Galaydh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaadhigii Cali Khaliif Galaydh
July 25, 2014 - Written by Editor:

CIIDANKA QARANKA SOM
Hargeysa (W.N) – Cutubyada Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan Aagga Saax Dheer ayaa gacanta ku soo dhigay gaadhigii iyo dirawalkii Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo aan la aragti ahayn Somaliland.
Hawl Galaabadhan oo ay ciidamada Qaranku habeenkii xalay ahaa badhtamihiisii qaadeen ayaa sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Milatariga Somaliland gacanta loogu soo dhigay Gaadhiga iyo waliba darawalka.
Warsaxaafadeedkan oo soo gaadhay Hadhwanagnews ayaa waxa uu intaasi ku darayaa isla markaana lagu yidhi in Dagaal Ooge kasta oo ka soo horjeedsada Somaliland isla markaana fadqalo ka samaynaya ay gacanta ku soo dhigi doonaan.
Ciidanka qaranka Jamhuriyadda

Somaliland waxa uu umada u balanqaaday in uu Sugto Soohdimihiisa Qaranka, isaga oo habeen iyo maalinba u taagan ilaalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamuud Shaqale ayaa waxa uu ku hambalyeeyay Cutubyadaasi guulaha ay ka gaadheen la dagaalanka Dagaal Oogeyaasha.

COMMENTS
LINKS