|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Oo Xidhay Wariye Telefiishanka Universal Laascaanood Uga Diray War-bixin Ammaanka Lid Ku Ah L
July 16, 2014 - Written by Editor:Laascaanood(Wajaalenews)– Ciidamada booliska ee Magaalada Laascaanood, ayaa xabsiga u taxaabay Aadan Maxamed Karaama oo ka mid ah Wariyayaasha Telefiishanka Universal oo laga mabnuucay. Wariyahan, ayaa ciidamada Ammaanku xidheen, markii uu si sharci daro ah u baahiyey warar lid ku ah ammaanka Gobolka Sool, iyada oo weliba taasi imanayso xilli dawladda Somaliland ay Telefiishanka Universal laga mabnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland. Wariyaha ayaa lagu haystaa inuu Laascaanood ka diray warar ammaanka wax yeelaya, isaga oo indho tiraya amarkii dalka lagaga joojiyey inuu ka shaqeeyo Telefiishankaasi gudaha Somaliland.
Xadhigga wariyahan, ayaa waxa cambaareeyay ururka NOSUJ oo ka dhisan Soomaaliya, waxaanu dawladda Somaliland ugu baaqeen inay xorriyaddiisa dib ugu soo celiyaan wariyahan Related posts:Dawlada Ingiriiska Oo Soo Dhawaysay Heshiishka Xisbiyada Somaliland Ka Gaadheen Qabsoomida Doorashoo... Gudida Beesha Habar-jeclo Oo Go,aamo Kazoo Saaray Khilaafkii Doorashooyinka Ee Dalka Iyo Jabhadii Bu... Halkan Ka DAAWO Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Biyo Baladhinta Caasi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|