Brazil: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Biriij Dumay Oo Ku Yaala Mid Kamidda Magaaloyinka Uu Ka Socdo Koobka Aduunka + Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Brazil: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Biriij Dumay Oo Ku Yaala Mid Kamidda Magaaloyinka Uu Ka Socdo Koobka Aduunka + Sawirro
July 4, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay 22-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay kadib markii ay kusoo duntay Buundo dhismaheedu qabyo ahaa oo kutaala Magaalada Belo Horizonte ee Dalka Brazil. Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay 22-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaartay kadib markii ay kusoo duntay Buundo dhismaheedu qabyo ahaa oo kutaala Magaalada Belo Horizonte ee Dalka Brazil.

Buundada soo duntay ayaa ku taala mid kamid ah Magaalooyinka lagu marti galinayo Koobka Aduunka ee xiligan kasocda Dalka Brazil , waxaana qorshuhu ahaa in dhismaha Buundadan la dhameeyo kahor inta uusan Koobka aduunka bilaaban .

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan ayaa xiliga ay buundadu kusoo dumeysay waxa ay marayeen Boondada hoosteeda , waxaana bur bur u geestay shilkan gawaari dhoor ah.

Buundada soo duntay ayaa labo mile qiyaastii waxa ay u jirtaa Garoonka Mineiro Stadium oo kamid ah Garoomada lagu ciyaarayo koobka aduunka oo si xiiso leh wali uga socda Magaalooyinka kala duwan ee Dalka Brazil

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS