Askar ka tirsan Milateriga Mareykanka oo si qarsoodi ah kaga howlgala Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askar ka tirsan Milateriga Mareykanka oo si qarsoodi ah kaga howlgala Somalia
July 3, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS — Saraakiil Mareykanka ah ayaa shaaciyay in Mareykanka ay si qarsoodi ah ciidammo kaga joogeen Somalia tan iyo sannadkii 2007-dii, iyagoo xusay inay taasi qayb ka tahay qorshe uu Mareykanku ku doonayo inuu ku yareeyo khataraha Al-shabaab ka imaanaya.

Arrintan ayaa waxay ka dhigaysaa markii labaad oo Mareykanka uu ciidammo u soo diro Soomaaliya tan iyo sannadkii 1993-kii, markaasoo 18-askari oo Mareykan ah lagu dilo dagaallo ka dhacay Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay inay dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin 120 askari oo ay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanku ku sheegtay bishii Jannaayo 2014-ka inay yihiin la-taliyeyaal dhinaca milateriga ah.

Tallaabada uu Mareykanku ciidamadiisa ku keenay Soomaaliya markii labaad ayaa lagu micneeyay inay tahay mid lagu doonayo in lagu jabiyo Al-shabaab oo muddo toddoba sannadood ah dagaal uu dhiig badan ku daatay kula jirta xukuumadda Somalia iyo ciidamada caawinaya ee Midowga Afrika.

 Qorshahan dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay qayb ka yihiin tababarro ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si ay awood buuxda ugu yeeshaan iska caabinta xoogagga Al-shabaab.

 Saraakiil ka tirsan maamulka Barack Obama ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ciidamadan oo tiradoodu tahay 120-askari ay u joogaan Somalia tababaridda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo la talintooda.

 Ciidamadan ma ahan kuwo ku lug leh colaadaha,” ayuu Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Mareykanka. Isagoo xusay in ciidamadan ay yihiin oo keliya kuwo dhinaca talooyinka ah kala shaqeeya ciidanka Sooomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 Madaxweynaha Maerykanka Barack Obama ayaa sheegay sannadkii lasoo dhaafay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan dhinaca qalabka ciidamada si ay awood ugu yeelato inay ka hortago khataraha kaga imaanaya argagaxisada.

 Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaanahan ay baahinayeen qaar ka mid ah war-baahinta Mareykanka in gudaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidammo gaar ah oo Mareykanku leeyahay, kuwaasoo xabsiyo qarsoodi ah ku leh Muqdisho.

 

 WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS