Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka oo isku dilay dhul | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka oo isku dilay dhul
July 24, 2014 - Written by Editor:

Waxa Dhintay Askari ka tirsan Qaybta Naafada

Hargeysa (Wajaalenews) Dagaal sababay dhimashada hal askari ayaa shalay ka dhacay xero la sheegay inay ciidanku ku lahaayeen dhinaca barri ee Naasa-hablood, Dhulkaasi oo ay isku haystaan Askar ka tirsan Ciidanka oo Baloodhaystay.

War aanu ka helnay dhacdadan ayaa sheegaya Dhulka Ciidanku isku dileen inuu ka badan yahay haddii ay qaybsadaan, balse waxa soo dhex galay koox shicib ah oo la kala safa.

Askariga dhintay ayaa shalay isku dayay inuu dhisto qayb ka mid ah Dhulkaasi, hase yeeshee waxa soo weeraray kuwii kale, halkaas oo ay ku haleeshay Rasaastii ay ku rideen Dadka dilka geystay oo isugu jira Askar iyo Shicib ayaa qarkood la soo qabqabtay waxan socda baadhitaan

Arinta isku qabsiga ciidan dhulka danta guud ayaa ku cusub dalka taasi oo aan odhan karo dabac kayimid hogaanka ciidamada qaranka somaliland

COMMENTS
LINKS