Askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Caawa lagu Dhaawacay Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Caawa lagu Dhaawacay Muqdisho
July 4, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews)) — Ugu yaraan sagaal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Somalia ayaa caawa lagu dhaawacay isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid oo ay howlo ammaanka lagu sugayay ka wadeen.

Ciidamadan ayaa lagu dhaawacay bambooyin ay ku weerareen dabley la rumeysan inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, iyadoo bambooyinka oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro si xiriir ah loogu weeraray goob ay ciidmadan ku sugnaayeen.

Qaraxyada kaddib ayay ciidamadii ka badbaaday weerarkan waxay bilaabeen inay rasaas u furaan afarta jaho, iyadoo khasaaraha ay geysateen aan la ogeyn, waxayna qaraxyada iyo rasaastu baqdin xooggan geliyaan shacabka ku nool isgoyska Towfiiq iyo agagaarkiisa.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gaadiidka gumadka deg-degga ah ay goobta gaareen; iyagoo halkaas ka qaaday dhaawcyada askartii waxyaalladu kasoo gaartay qaraxyadii is-xigay ee lagu weeraray.

Ciidammo kale oo gaaray goobta ayaanay u suurogelin inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii qaraxyada ku weeraray ciidamada dowladda oo markiiba baxsaday, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso weerarro is-daba-joog ah oo maalmahan ka dhacayay Muqdisho.

Maamulka degmada Yaaqshiid iyo kan gobolka Banaadir kama aysan hadlin weli qaraxyada sababay dhaawacyada sagaalka askari ee caawa ka dhacay isgoyska Towfiiq oo ka mid ah isgoysyada muhiika ah ee caasimadda.

Tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan waxay Al-shabaab ku dishay Muqdisho in ka badan 12-qof oo isugu jira askar iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka kaasoo maanta lagu dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Falalkan ammaan-darrada ah ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay sheegeen ay diyaariyeen barnaamij loogu magac-daray nabad ku afru oo loog hor-tagayo falalka amni-darro oo Muqdisho ka dhaca inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

COMMENTS
LINKS