Arsenal Oo Soo Iibsatay Gool Wade Cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Soo Iibsatay Gool Wade Cusub
July 26, 2014 - Written by Editor:

Sports(Wajaalenews) ;Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa cadeeyay inay la Soo Saxiixdeen gool wade cusub oo la yidhaa David Ospin isagoo sheegay in xili ciyaareedka cusub uu Wojciech Szczesny oo uu aahaan doono goolhayaha kowaad ee kooxda. Goolahayaha xulka qaranka Colombia ayaa si rasmi ah unoqon doona ciyaartoy Arsena. Macalinka kooxda arsenal ayaa lagu yaqaanaa in uu inta badan iibiyo ciyaaryahanada kooxda isagoo aan looga baran inta abdan in uu soo iibiyo ciyaartoy badan ama ciyaaryahano can ah oo la yaqaan balse oo iibsada ciyaartoy aan can ahay isla markaana ah ciyaarto da’ yar ah intooda badan ayaa sanadkan waxa uu keenay ilaa hada ciyaartoy badan oo magac leh oo la garanaayo isagoo sidoo kale soo wada ciyaaryahano badan oo uu imika ay ugu horeeyaan sami khadia iyo balotoli iyo kuwa kale.

Waxaa kale oo uu sheegay in labada gool wade ee szczesny iyo ospina labaduba ay noqon doonaal laba gool wade oo kooxda ka wada tirsan laakiin cida noqon doonta gool wadaha koowaad waxa uu sheegay “in xili ciyaareedkan cusub uu goolhayaha koowaad noqon doono szszesny sanadka danbe iyo wixii ka danbeeyana ay ku xidhnaan doonto in iyo gacantii iyo sida ay u kala fiicnaadaan. Goolwadihii koowaad ee kooxda arsenal ee Lukasz fabianski ayaa u wareegay kooxda Swansea city ka dib ayuu soo qaatay goolhayan cusub ee ospina isagoo kala soo wareegay kooxda nice isku soo wada duuboo waxaad moodaa in imika uu sidii hore ka adkaan doono ligue-ga ingiriisku sidii hore maadaama oo imika koox waliba ay is adkaysay.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

DIYAARIYE, Maxamed Cali Mataan

COMMENTS
LINKS