ARooska Inanta Uu Dhalay Madaxwayne Geele Maxaa Ka Dhalan Kara Mustaqbalka ?Faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ARooska Inanta Uu Dhalay Madaxwayne Geele Maxaa Ka Dhalan Kara Mustaqbalka ?Faalo
July 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Sida aynu Maalmahan lawada soconay waxa dawlada djabuuti ee uu Hogaamiyo madaxweyne geele ayku hawlanayeen diyaarinta hawl aroos dhex mari doona qoyska Madaxweyne geele iyo midka mida golihiisa Wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay oo ah wasiirka Waxbarashada oo lasheegay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo wax kusoo bartay wadanka kuuba .

Waxa guud ahaan dalka jabuuti iyo wadamada geeska laga dareemayaa abaabulka arooska yarta uu Dhalay madaxweyne geele waxa lafilayaa in ay kazoo qaybgalaan ku dhawaad 300qof oo kala iman doona dunida daafaheeda oo isugu jira madax,cuqaal ,fanaaniin iyo waliba ganacsato iyo dadkaleba .

Hadaba arinka guurkan ayaa noqon doona mid dadbadan dhagahooda iyo maqalkooda ku cusbaan doona halka kuwa kalena ay xasuusindoonto guurarkii caalamka ka dhicijiray sida kuwa boqorada carabta iyo kii ka dhacay dhawaan boqortooyada England ee loo qabtay ninka dhaxalka boqortimada dalka ingriiska leh.

Wax yaabaha lafilayo waxa kamida in uu ugaaska beesha ciise kazoo qaybgali doono oo noqondoonta markii u horeyay ee Ugaaska ciise kazoo qaybgalo , waxa iswaydiinleh sidee ayay u arkaan dadka reer jabuuti ?buunbuninta xaflada meherka inanta madaxwayne geele iyo dhaqalaha ku baxaya waxa laga yaabaa in loo arki doono in uu madaxweyne geele noqday nin meesha ama xilka uu u hayo qaranka jabuuti yeeshay marka loo eego Armahan oo kale waayo? Dhamaan dadka larajaynayo in ay kazoo qayb galaan arooskan waxa casuuntay xukuumada jabuuti oo dhaman dabaraysa socodkoda waa xaga tigidhada diyuuradaha iyo inta Ay jooganba noloshoda iyo waliba aan idhaahdee xaqalciidkoodaba, marka laysku daro waxa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 5milion dollars in uu ku kici doono kharashka aroosku waayo marka loo eego meeqamka dadka maraya meesha ee ugaaska ciise u waynyahay

 

Maxay dhaxal siinkartaa xukumada Djabouti? waxa ka dhalan kara kacdoono shacab waayo dadka reer jabuuti oo ay aad noloshu ugu adagtaahay in ay u arkaan in lagu tagrifalayo hantidii qaranka iyo in la rabo in meesha ay noqoto xukumadu qoys qudha waxayna dadku hore u ogaayeen in ay ku jiraan golaha xukumada jabuuti dhawr wasiir ama sarkaal oo laxidida guriga dalka u sareeya waa qoyska madaxweyne geelee .

Bal hadaba aynu eegno arooskan kadib oo ku began habeenka barkaysan ee ramaadaan tahay 27

Dhanka kale dadka ku nool jabuuti ayaa ku sugan nolol adag oo ku salaysan xaga dhaqaalaha oo gayaysiisay in ay bilaa koronto u adkaystaan hanfiga ka dhaca badiba dalka jabuuti

Waxyaalaha dadka reer abuti sida gaarka ah u saameeya waxa kamida

1,koronta la,aan

2,kulayl badan

3;kalidii taliye oo ay ku cadaynayso hantidii u mada in uu gaadhay heer uu caruurtiisa ugu sameeyo qaar lamida kuwii aysamayn jireen boqorada carabta.

waxaa lasugaaba waa xaflada qoyska madaxwayne geele ;

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

STAFF REPORT;

 

COMMENTS
LINKS