Al-shabaab Oo Tartan Quraan Muqdisho Ku Qabatay Iyo Gudoomiyaheeda Gobolka Banaadir Oo Ka Qayb Galay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo Tartan Quraan Muqdisho Ku Qabatay Iyo Gudoomiyaheeda Gobolka Banaadir Oo Ka Qayb Galay.
July 20, 2014 - Written by Wariye:

all shabaabMuqdisho(Wajaale News):-Ururka Al-shabaab ayaa tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan ku qabtay Magaalada Muqdisho. Shabaab waxay sheegtay in dhamaan Dugsiyada Diiniga ah ee Muqdisho  ka qayb galeen Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir u qaabilsan Kooxda Al-shabaab  Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa tartanka ka qayb galay, waxaanu sheegay inaanay jirin wax cabsi ah oo uu ka qabo amaankiisa iyo dhib ay u gaystaan AMISOM iyo Ciidanka Somalia.

“Halkaan waxaan u joogaa maanta ka qayb-galka xafladdan wanaagsan ee tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan oo ay ka qayb galayaan dhammaan iskuullada diiniga ah ee Muqdisho ku yaalla, waana Alle mahaddii inaan maanta halkan joogno innagoo aysan cabsi nagu jirin,” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

Inkasta oo aanay Al-shabaab si cayiman u sheegin meesha ay Muqdisho kaga qabteen Tartankan, waxa Sheekhk Cali Managed Xuseen sheegay in wakhtigan aanay wax cabsi ah ka qabin Ciidanka Dawladda iyo kuwa taageeraya ee AMISOM oo uu sheegay inay meelihii ay ka shaqaynayeen Shabaab ku weerarto.

“Kooxdan meesha joogta ma joogaan xilli laga baqo, waayo waxaad og-tihiin in lagu weeraray xarumihii ay ku sugnaayeen, sida madaxtooyada iyo sidoo kale baarlmaanka oo ah goobaha ay ku shaqeeyaan, taasna waxay caddeyn u tahay inaysan lahayn awood ay uga hortagaan Al-shabaab,” ayaa ka mid ahaa hadalka Gudoomiyaha Shabaab ee Banaadir

Waxa uu intaasi raaciyay Sheekh Cali Maxamed inay sii wadayaan weerarada Muqdisho. Waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay inay gacan ka gaystaan Weerarada iyo dagaalka Al-shabaab dhibka kaga badbaadinayso Shacabka waa sida uu hadalka u yiriye.

“Inta ay jiraan dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ee ay guryahooda u joogi la’yihiin weerarrada waan sii wadaynaa, waana sii xoojinaynaa, hadafkeennu waa inaan shacabka muslimiinta ah ka badbaadinno dhibaatadooda,”

Waa markii u horaysay ee Al-shabaab shaaciso Munaasibad ay ku qabatay Muqdisho tan iyo markii Ciidanka Dawladda iyo kuwa AMISOM ee taabacsani ka saareen Muqdisho. Arintan ayaa muujinaysa sida wali Shabaab ugu sugan tahay Muqdisho oo weeraro tiro badan oo in ka badan 30 Qof ku dhimatay ka gaystay Muqdisho intii lagu jiray Bisha Ramadaan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habaneo00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS