Aabbo Xeradaa Ba,Day Ma Kaasaad Ii Keentay ! Qalinkii : Abdi Aziz Mahamoud Yousuf (Zaciimka). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aabbo Xeradaa Ba,Day Ma Kaasaad Ii Keentay ! Qalinkii : Abdi Aziz Mahamoud Yousuf (Zaciimka).
July 20, 2014 - Written by Wariye:

Waadhacdo dhab ah oo ka dheer malo awaal ama mala awaal suurto gala ah dhacdooyinku kala mudan ,kala maqaam wayn

SHEEKKO

Hadalkan ama hawraar tani waa mid mahadho reebtay dad badan oo maqlay ,odhaahdan ,kana qaaday maan kooda cugaygii iyo lingixii masgaxdooda  kana waynaatay kuna keentay masgax faarid  oo dhabanka iyo dhafoor qabsi ku noqotay dadkii u soo joogay dhacdan

Waadhacdo dhab ah oo ka dheer malo awaal ama mala awaal suurto gala ah dhacdooyinku kala mudan ,kala maqaam wayn  waxa ay ka dhacday dadlka gaar ahaan caasimda dlka  HARGEISA

Sheekoyinku waa qaar lagaaga sheekeeyo iyo qaar aad u soo joogtay sheekadani waa mid aan shaahid ka ahaa waxaan ku haboon yihiin sheekooyinku maaha in la maqlo oo la dhaafo hase ahaatee wax ay ku wacan yihiin in la qoro oo laga reebo dhaxal iyo dhaxal reeb ,waxaanay si

gaar aha ugu socotaa  sheekadu aabaha iyo hooyooyin ka soomaliyeed si isla mid ah hadaan in taa kaga I maado hor dhaca sheekada aan u gudo galo sheekada hadal waa kii kooban ee kalin galee

Waxaa jiray wiil iyo gabadh dookha iyo calmashada jacayl isku raacay iskana doortay dadka kale waxaa ay kala ahaayeen FAHIIMA iyo MAXAMED

Waa laba ruux oo aad isku jecel  waxaa ay nolosha ka damacsanaayeen in ay isku noqdaan  oori iyo say  waa mustaqbalka e waxaanay ku gaadheen heshiis  laba dhinac ah FAHIIMA iyo MAXAMED aniga oo soo koobaya.

FAHIIMA waa inan yar oo rabi sareeye ku galaday qurux iyo qiime sare  waa inan yar oo gayaankeda oo dhami gabigood u guntadaan nin waliba uu cindiga ku hayo in uu noqdo qofka ugu horeeya ee foodeeda qabandona taasi waa mida ay ku taamaan raga gayaankeeda ahi  sahanka raga waa mid ay ku kulmaan kaa waxaa dheeraa sahan ka dumarku ay ku raaad jogaan in oo loo soo kala dheereeyo oo uu badan yahay xusul duubku waxaa laga yaabaa in ay ku kulmaan hal todobaad in ka badan dhawr iyo toban nin oo gadh madoobaha rag ee guur doonka ah , waxaa ay ku guuxaan nin waliba gadiidka uu toosaba in uu noqdo kii qaban lahaa xaynka iyo guntiga FAHIIMA

Hase ahaatee waxaa ay ka war laayihiin in ay FAHIIMI qalbigeeda uu qalan yahay , una qalan yahay  wiil oo uu ku xididaystay jacayl gaamuray oo guun ah oo in badan maxogeeda jiifay ,illayn noloshu waa kaaf  iyo kala dheeri  FAHIIMA ugma muuqdaan nimanka is dhaafaya ee nolosha mid waliba heer ka gaadh ,hase yeeshee waxaa ruxaya quluubteeda sida dananka dawanka uga baxaya dhaga heeda   jacayl xeeldheer ,in ay maruun aragto iyada oo aari u ah ubadn a u haysa wiilka ay jeceshahay oo ah MAXAMED waxaa marag madoon ah in aanad ruuxa ku soojiidan karin aqoon ,karti aad leedahay ,lacag aad leedahay ,masgaxbdani aad leedahay iyo dadaaal aad ku bixiso hase ahaatee waxaa muhiiim ah in aanad u daymo la,aan oo ay tahay waxa kaliya ee aad ku kasban karto ruuxa aad is jeceshihiin in uu noqdo kuwan ,akhlaaq ,edeb ,dulqaad ,samir ,dagani ,naxariis,xushmad iyo dhamaan wixiisan

Dhamaan kuwani waxa ay sal ku leeyihiin diinteena suuban oo aynu odhan karno iyada ayaa isku koobasatay, ogaw taariikhda jacaylku in aanay ku salaysnayn maal iyo wax kale hase yeeshee dadka aduunka soomaray ee lagu xasuusto jacaylka in tooda badan in ay ahaayeen dadka dabaqada hoose ee aan lahay lacagta badan waxaa la, ogaday dadka in tabadan lacagta lihi in ay u haystaan in la gadan karo jacaylka taasi waa mid khayaali ah waxaa aad ku aragtaa in badan nin aad u lacag badan oo lacagtiisa u istic maalayaa si uu u helo lahaa ruuxa uu jeclaado dabadeeed ku guuul daraysta si dhibyarna ku waaya lacagtiisa uu haysto ,

kaasi waxa aad moodaa In ay ku soo badatahjay mujtamaca soomaliyeed kadab markii ay dadkii noqdeed mujtamac u sii durkaya dhinaca samaysan ka dabaqaadka bulsho wallaw ayna jiri bar yihii hore dhaqan ka soomaliyeed oo ay dadku isku mid ahaayeen oo ay ku hawlanaayeen xoolo raacatanimo,kadib markii ay ka yimaadeen qurbaha iyaga oo ka jeeb buuran kuwii kale ee dalka joogay taasina waxay keentay in ay kala jeeb noqdaan

ka waranka wiilka MAXAMED waa wiil rabi u ibo dhameeyay garaad durug san , akhlaaq,anshax ,edab gaaxsan  waxaa intaa u dheeraa ,daganaan iyo hilaadin dhinaca yoolka ah taas waxaa u dheeraa sidii uu u noqon lahaa ruux ku dhex leh gayiga uu ku dhexnool yahay sharf iyo cisiba aqoon  ahaan waa uu bartay waxaana uu ku garadaystay isaga oo qalinka iyo tawaaduba ay mid waliba u qoyan yihiin taasi waa galad rabi ku galaday wiilka kuna biiray waxbarashad isaga oo da,yarkamaa uu loo falin tacliinta sida wiilasha aynigi ah waxa uu u ahaa tusaale ay waalidiintu ay u soo qaataan caruuta ay dhaleen sababta oo ah ma sag saagi jirin tacliinta illaa uu ka dhamays tahay heer jaamacadeed ,markii uu dhamays tahay jaamacada ayaa uu ku hamiyay in uu guursado oo uu gayaanka soo galiyo gabadh.

Maaha noloshu sida aad aduu isku qiimayso kaligaa hase ahaatee waa sida ay umadu kuu qiimayso marka aad la dhaqanto,waxa ay ku xidhantahay kolba  dadku saykuu arkaan laguma helo wacnaanta aad ku dhexleedahay dahab iyo diinaartoona,waxa uu ka shaqeeyaa maxamed  oo uu leeyahay mid ka mid ah madarasadaha waa dugsi guraane oo lagu xifdiyo QURANKA isaga ayaa mulkiya madarasada oo iska leh waxaana uu caan ku yahaya wiilku waa shakhsiyad hawl kar ah kana adag shaqadiisa ma haleelo daal iyo diihaal marka uu joogo goobaha shaqada waxaana lagu amaanaa in uu yahay hawlkar waxaana uu jecel yahay inta badan in uu kula soo boxo xoogiisa xalaasha ah wax uu shaqaystay kalka ay mudan tahay in uu ka dheeraado shaxaad  iyo gacan hoorsi   waxaa in taa u dheeraa oo uu maanka iyo masgaxda ku hayay in uu mar uu arka gabadha uu jecel yahay oo kula nool gurisa

Waxa ay ku balan san yihiin labadooduba in ay yagleelaan ,dhisaan guri raas wayn oo lagu nasto, hooskiisa ,laguna nagaaddo illaahay saree oo sugnaaye ruux wal oo dunida jooga waxa uu ka arsaaqaa shay uu isagu ogyahay,taasi waa mid uuna ruuxu dooran Karin meesha uu rabi ku daray quudkiisa iyo arsaaqdiisaba hasa yeeshee diinteena suubani waxa ay inagu dhiirisay in uu ruuxi iska eego oo kaliya maxalaal baa mise waa xaaraan meeshan uu rabi kuugu daray risiqa aduuunyo taasi waxaa macalin inoogu ahaaa rasuulkii bilaa ee barakada lahaa waxa uu inagu dhiiriyay in aynnu risiq xalaal ah raad sano MAXAMED  risiqiisu waa mid xalala ah kana fog xaaran iyo in uu ku soo hello gacan dulmiyeed xoolo xaaraan ah

 waana uu ku faraxsanaa in uu biil uga dhigo FAHIIMA xirfada kaliya ee uu leeyahay waa macalinimada ah FAHIIMINA waa ay ku farax sanayd  aabeheed ayay kala hadashay waxa ay tidhi aabbo waxa aanu heshiinay wiil markaasuu ku yidhi oo aabbo muxuu ka shaqeeyaa waxa ay tidhi waxa uu leeyahay machad (madarasad) aabbo xeradaa ba,day ma kaasaad ii keentay !

Qalinkii : Abdi aziz mahamoud  Yousuf (Zaciimka)

Email:gudoomiye74@hotmail.com:

Cell phone: 0634479223

COMMENTS
LINKS