Sida loo ciqaabay Sadax nin oo kufsaday gabar 7-sano jir ah kadibna geed kasoo laad laadiyay(Galbeedka Bengal ee Dalka Hindiya). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sida loo ciqaabay Sadax nin oo kufsaday gabar 7-sano jir ah kadibna geed kasoo laad laadiyay(Galbeedka Bengal ee Dalka Hindiya).
July 26, 2014 - Written by Wariye:

ciqaab-2Hindiya(Wajaalenews):-Dad careesan oo ku dhaqan  Deegaanka Kaliabazar, Galbeedka Bengal ee Dalka Hindiya ayaa six un u ciqaabay Sadax nin oo lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar yar 7-sano jir ah kadibna inta ay dileen geed kasoo laad laadiyeen..

Dadka deegaanka oo aad uga carooday falkan ayaa gacata kusoo dhigay sadax nin oo la tuhmayo in ay ka dambeeyeen kufsiga iyo dilka gabadha yar , waxa ayna dadkan si xun u garaaceen sadaxdan qof oo midkood u dhintay garaacista.

Sawiro laga soo qaaday sadaxdan nin ee dadka careesan ciqaabeen ayaa muujinaya inta dharka laga siibay iyaga oo qaawan ay dadka deegaanka si xun u garaaceyn , labo kamid ah Sadaxdan nin ayaana goobta laga qaaday iyaga oo garaab ah.

Dalka Hindiya waxaa ka dhaca Kufsi aad u fool xun oo loo geesto gabdhaha , waxaana mar sii horeesay deegaankan hada falku ka dhacay lagu kufsaday labo gabdhood oo walaalo ah kadibna inta la dilay geed laga soo laad laadiyay.

Hargaisa Office/ Somaliland
Wajaale News
Email;habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS