Daawo: Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Dalka Argentina. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Dalka Argentina.
July 10, 2014 - Written by Wariye:

Buenos Aires, (Wajaale News):- Dibad baxyo balaadhan oo rabshado ku dheehan yihiin ayaa ka dhacay, magaalada caasimadda u ah dalka Argentina, waxaana dibad baxyadaas ku kacay, kooxo shaqaale ah oo laga eryay warshad qalabka gaadiidka qaybo ka mid ah samaysa oo Maraykanka laga leeyahay.

 

Shaqaalahan oo intooda badan shirkadu shaqo ka dhimis ku samaysay bishii May ee aynu ka soo gudubnay, ayaa ku cabanaya in meel lagaga dhacay xuquuqdoodi, halka shirkaduna kaga doodayso in dhibaato dhaqaale oo ku habsatay awgeed aanay shaqaalahaasi la sii joogi karayn.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS