16 Gobol Oo Maraykanka Ka Tirsan Oo La Sheegay In Ay Halis Ugu Jiraan Dhul Gariir Khariiradda Dunida Ka Tirtiri Doona. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
16 Gobol Oo Maraykanka Ka Tirsan Oo La Sheegay In Ay Halis Ugu Jiraan Dhul Gariir Khariiradda Dunida Ka Tirtiri Doona.
July 31, 2014 - Written by Editor:

Washingtong(Wajaalenews)-Wakaaladda sahaminta Lakabyada dhulka iyo dhagaxa (Geology) ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in 16 gobol oo ka mid ah 54ka gobo lee uu ka kooban yahay dalka Maraykanku ay 50ka sano ee soo socda hali weyn u yihiin dhul gariir tirtira, iyo in deegaamo ka mid ah Maraykanku ay khatar u yihiin dhul gariir aad uga weyn intii hore loo saadaalin jiray.

USA

Warbixintan oo lagu baahiyey khariirad muujinaysa deegaannada dhul-gariirka halista u ah oo ay wakaaladdani soo saartay khamiistii toddobaadkii hore, taas oo loogu talo galay in hadda lagaga sii go’aan qaato sharciyada dhismaha aaminka ah ee ay tahay in deegaannadan laga dhiso, iyo tayaynta iyo xoojinta dadka ka masuulka ah ka gurmadka khasaaraha ka dhasha dhul-gariirrada iyo sidoo kale in lagu jaan-gooyo caymiska deegaannadan. 16ka gobo lee warbixintani xustay in ay ka tirtirmi doonaan khariiradda dunidana waxa ay yihiin, Alaska, Arkansas, California, Hawaii, Idaho, Illinois, Kentucky, Missouri, Montana, Nevada, Oregon, South Carolina, Tennessee, Utah, Washington, Wyoming. Saadaasha oo haddii ay rumowdo aad u soo ururin doonto dhulka baaxadda leh ee uu ku fadhiyo dalka Maraykanku, isla markaana hoos u dhac weyn ku keeni doonto dhaqaalihiisa.

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS