Xukuumadda Somaliland Oo Tijaabisay Qalabkii Lagu Maamuli Lahaa Hawada Sare+Sawiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Tijaabisay Qalabkii Lagu Maamuli Lahaa Hawada Sare+Sawiro.
July 6, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Wasaarada Duulista hawada iyo gadiidka Cirka ayaa bilawday tijaabinta qalab lagula xidhiidhi doon diyaaradaha Hawada iyo xaga hooseba maraya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay Xafiiska Warqabadka ee ramaasnews ayaa waxaa uu udhignaa sida tan.

War Saxaafadeed

“ Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.

Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaraha adeegsanaya hawada Xagga sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabo ahaanba.

Hawshani loogu diyaar garoobayo maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo wadan shisheeye.

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders)”

ALLA MAHAD LEH.

Saddam Maxamed Axmed
Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada & G.Cirka JSL.
06/07/2014

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS