Xulkii ITALIA Oo Hadhay Iyo Kooxda Uruguay Oo Wareega Labaad Iska Xaadirisay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulkii ITALIA Oo Hadhay Iyo Kooxda Uruguay Oo Wareega Labaad Iska Xaadirisay
June 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) ;Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro ay labada dhinacba kuqanacsanaayeen, 14 daqiiqo kadib markii lagasoo noqday nasashada Claudio Marchisio ayaa qalad uu kugalay Egidio Rios kumuteestay in ciyaarta laga saaro.

Italy oo kuciyaareysay 10 ciyaaryahan ayaa celcelisay uruguay illaa daqiiqadii 81aad, markaas uu daafaca Atletico Madrid uu hogaanka udhiibay xulkiisa Uruguay, madax uu kuleexiyey kubada ayaa shabaqa cuskatay.

Daqiiqad kahor goolka, Suarez ayaa qaniinay daafaca Juvntus iyo xulka qaranka Italy, waa markii seddexaad uu xirfadiisa Suarez qaniino ciyaaryahan kasoo horjeedo, guuldara Italy ayaa lamacno ah inay raacday England oo ay kawada ka sareen koobka adduunka.

Costa Rica ayaa dhankeeda adkeesatay booska koowaad kadib bareejo ay lagaleen England, labadaan xul waa Uruguay iyo Costa Rica ayaa kasoo baxay kooxda (D), iyagoo kudhici doono labada koox ee kasoo baxda kooxda (C) oo caawa ciyaari doonto

COMMENTS
LINKS