|
|||||
WAJAALE NEWS
Xulka Brazil Oo Guul Ku Daah Furey Koobka Aduunka Iyo Neymar Oo Wacdaro Dhigay.
June 13, 2014 - Written by Wariye:
Haddaba Ciyaartan dhexmartay Labada Xul ee Brazil iyo Croatia, oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo labada Xulba soo bandhigeen awoodooda,ayaa waxa bilawgii ciyaarta waxa u suurtagashay Xulka Croatia, inay gool dhashadaan, waxaana goolkaas iska dhaliyey Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara Brazil ee Marcela, taas oo Xulka Brazil u horseeday inay weerar joogto ah qaadan,, isla daqiiqado yar kadibna waxa kooxda Brazil goolkii barbar dhaca u saxeexay Neymar, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-1-gool. Markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa Xulka Brazil waxa ay haleen daqiiqadii 77 Rikoodhe, waxaana Rikoodhahaas gool u badlay Neymar, Xulka Croatia, ayaa weerar joogta ah soo qaaday, goolal badana iska cunay, balse markii lagu wakhtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ayaa daqiiqadii kowaad Ciyaaryahanka Oscar ee Xulkiisa Brazil u dhaliyey goolkii Saddexaad, waxayna halkaas Saddexdii dhibcood ee ciyaarta ku qaatay Brazil. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|