Xukuumada Somaliland Oo Dawlada Jabuuti Ku Wareejisay Dad Looga Shakisan Yahay In Ay Ku Lug Lahaayeen Qaraxii Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Dawlada Jabuuti Ku Wareejisay Dad Looga Shakisan Yahay In Ay Ku Lug Lahaayeen Qaraxii Jabuuti
June 23, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Xukumadda Somaliland ayaa la sheegay inay saddex qof ku wareejisay Dawladda Jabuuti. Dadkan ayaa laga qabtay Hargeysa, waxaana

lala xidhiidhinayaa inay lug ku lahaaayeen weerar isqarxin ah oo Jabuuti ka dhacay, kaasi oo saddex qof ku dhinteen.

Dad goob jog u ahaa xiliga lala kala wareegayay Maxaabiistaasi ayaa sheegay in Saraakiil reer Jabuuti ah oo wata Diyaarad gaar ahi ka soo degeen Madaarka Hargeysa, islamarkaana lagu wareejiyey saddexda qof oo madaxa loo qariyay, ayna adag tahay in la aqoonsado.

Inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn dadkaasi cida ay yihiin iyo meelaha laga qabtay, haddana warar ayaa sheegaya inuu ku jiro Nin u shaqayn jiray Xawaalada Jubba oo maalmo sii horaysay Boolisku xidhay.

Lama Oga sababta dadkaasi loogu Wareejiyey Dalka Jabuuti ee halkani loogu maxakamadayn waayay, haddiiba uu dabi ku caddaado. Somaliland iyo Jabuuti ayaa hore u sheegay inay iska kaashanayaan baadhista Kiiska Qaraxa Jabuuti oo dadka gaystay dhinaca Somaliland ka galeen Jabuuti.

Xukuumada somaliland ayaa ah xukuumadii u horaysay ee muwaadiniin alkeeda ka soo jeeda u dhiibta wadan kale arinta ayaa ah mid ugubku ah arimaha wax iswaadarsiga dunida

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS