Xudun:Waftigii Uu Hogaaminaayey Wasiir Xirsi Ee Socdaalka Ku Soo maray deegaamada Xudun iyo Taleex Oo Mashaariic Horumarineed Dhagax dhigay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xudun:Waftigii Uu Hogaaminaayey Wasiir Xirsi Ee Socdaalka Ku Soo maray deegaamada Xudun iyo Taleex Oo Mashaariic Horumarineed Dhagax dhigay
June 26, 2014 - Written by Editor:

Xudun: Maalintii labaad iyo Safarkii dheeraa ee Wasiirada Somaliland ku soo mareen deegaamada Xudun iyo Taleex.

Xudun(Wajaalenews);Weftigii Miisaanka Culus lahaa ee ku sugnaa Gobolada Bari gaar ahaan Degmoyinka Taleex iyo Xudun ayaa Mashaariic horumarineed oo ay ugu muhiimsanaayeen saddex shay ka fuliyey Degmad Xudun, Saddexdaasi qaybood oo ka kooban Dhismaha Rug boolis oo ka hawlgasha Nabadgelyada Degmada isla wakhtigaasina loo magaacay Taliyaha Degmada ee Booliska laguna wareejiyey Gaadhi Xaajiyad ah oo Cusub, waxa kale oo lagu wareejiyey Qadar lacag ah oo horumaris u ah dhismaha Xafiisyadii Degmada iyo Garoon Kubada Cagta ah.

IMG_0750IMG_0731

hawlaha oo halkaasi ka sii socday ka dib waxa ay weftigu kulamo kala duwan la yesheen odayaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Sulaadiinta, Culimada iyo cid kasta oo ku hawlan xalinta iyo wada shaqaynta Degmada Xudun.

ugu danbayna waxa ay shacbiga Degmada Xudun iyaga oo ka dareen celinaaya sida qiimaha badan ee xukuumadu isaga xilsaartay rabitaankooda iyo baahiyahooda daruuriga ah ee waxna ay tustay waxna ay u balan qaaday waxa ay Madaxweynaha u soo direen salaan sharaf madaxweyne iyo weliba Farax aad u qurux badan oo ah runtii waxa ay ku faanaan ka degmo ahaan iyo ka dhaqan ahaanba ahna shayga ugu qaalisan ee ay hadyad u bixiyaan kaasi oo ay madaxweynaha Qaranka Somaliland ku sharfeen wakiilna uu uga ahaa una gudoomay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo sida aad u jeedaan Faraskaasi ka gudoomaya Waxgaradka iyo Sulaadiinta Degmada Xudun.

dhinaca kale xukuumada Somaliland waxay shacbiga deegaan ahaan dega Taleex, Xudun iyo nawaaxigeeda ugu deeqeen 15,000 oo Raashin ah isuguna jira qaybaha kala duwan ee Bariiska, Daqiiqda, Sonkorta, Baastada, Saliida iyo wixii la mid ah oo ay ugu talo galeen in lagu kaabo baahiyaha Daruuriga ah ee ay dadka qaar kood la kulmeen intii ay degmooyinkaasi faragelinta ku hayeen Puntland iyo Maamulkii Khaatumo oo hada laga sifeeyey degmooyinkaasi

COMMENTS
LINKS