Xogihii U Danbeeyay Ee Ka Soo Baxaya Qaraxii SHaanida Ee Ka DHacay Madaxtooyada Agteeda; faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogihii U Danbeeyay Ee Ka Soo Baxaya Qaraxii SHaanida Ee Ka DHacay Madaxtooyada Agteeda; faalo
June 4, 2014 - Written by Editor:

(Hogaano dhaliilo amaanka khuseeya ku duduucay inuu ka mooso Suldaanka Beelaha Somaliland Suldan Maxamed Cabdiqaadir oo Hada u dhurtay suldaanka beelaha ciidagale)

HARGEISA(Wajaalenews);Tuhuno iyo dhaliilo isdaba jooga oo khuseeya ammaanka oo dhawaanahan ku soo burqanayey Xukuumada Somaliland, waxa dib ugu soo  laabtay dhagaha qaraxyo ku koobnaa shanqadho dadka argagax galinaya oo aan lahayn dhib kale oo ah kuwa miinooyinka, lakiin ku abuura bulshada argagax iyo baqdin waana kuwo looga bartay xiligii ay kaambaynada adag ka dhex taagnaayeen xisbiga imika talada qaranka haya ee KULMIYE iyo xisbigii lagaga guulaystay talada ee UDUB. Xiligaas oo xukumadii markaa taladda haysay u nisbayn jirtay mucaaridkii xiligaa (KULMIYE), waxa iyaguna sidoo kale ay KULMIYE ku doodi jireen in ay xukumada RAYAALE iyagu is qarxinayaan. Doodahaas oo dhagahooda mar labaad ku soo noqday iyo masuuliyiin xiligaa ka tirsanaa xukumadii UDUB oo imikana  ka mida xukumada SIILAANYO. Inkasta oo aad moodo in aanay xukumadan talada dalka haysa imika aanay dhib badan ku hayn marka laga eego sida ay uga fal-celiso marka la soo sheego qaraxa  SHAANIDA oo ay inta badan bulshadu aaminto in xukumada ay ka war hayso cida loo dhiggay iyo cida fulinaysaba, haba ahaado iyaga ama xisbigooda ay u aaneeyaanba.

Haddaba (wajaalenews) oo si gaara ugu dhaba gashay qaraxyadan caasimada ku soo cusboonaaday intii Khilaafkii xukumada iyo xisbigeedu bilaabmay, anagoo ka duulayna falalka amni-daro iyo ceebaha ay qarankan u soo jiiday marka  laga eego indhaha caalamka waxa soo noqnoqday weedha ay xukumada ku durayso waajibaadkii ka saarnaa amaanka ee ay jawaab uga dhigayso waxa  ka danbeeya hoggaanka xisbi xaakimka, taasoo caalamkii iyo shaqaalahii caalamiga ahaa ee dalka ka hawlagayayba ku beertay xasilooni la’aan iyo baqdin.

Marka loo eego kii u danbeeyay ee dhacay 1/june/2014 abaaro 5:30pm oo ka dhacay madaxtooyada agteeda oo ah  meel u dhaxaysa taliska guud ee ciidanka ilaalada xabsiyada, sida aanu hore u baahinay ama taliyaha bolisku sheegay oo ahayd in loo hayo hal qof oo la sheegay in uu ahaa masuul ka tirsan xukumada, gaar ahaan xafiiska xeer ilaalinta qaranka iyo in la hayo raadad wax lagu heli karo oo meesha laga helay  FURAYAAL , raadco badan oo ay shabadakaddu  gashay ka dib waxaanu ogaanay , sida ay masuuliyiin ka tirsan laamaha baadhista C.I.D iyo kuwo ka tirsan sirdoonka qaranka  oo ka cudurdaartay in aan la magac dhabbin ayaa noo xaqiijiyay in ilaa iminka raadadka la hayo ay ka mid yihiin FUREYAAL uu leeyahay xafiiska laanta socdaalka oo uu sitay nin lagu magacaabo YUSUF DANYEERO oo ka tirsan ciidanka laanta socdaalka, tuhunada kale ee lala xidhiidhinayo waxa  ka mid ah in hoggaanka sirdoonka qaranka ee Gobolka Maroodi jeex MUXSIN  uu maalin ka hor shaqada ka joojiyey qaar ka mid ah ciidanka ka hawlgala caasimada maalin ka hor qaraxa ka dhacay madaxtooyada agteeda, maalintii ku xigtayna uu u fasaxay iyaga iyo gaadiidkii ay ku hawlgalayeenba. Waxa kale oo iyana jiray in isla maalintaa qaraxaas dhacay ay sheegeen ciidanka laanta socdaalku in ay madaarka Hargeisa ku qabteen laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin ALSHABAAB,  kuwaasoo isla shalay oo bishu ahayd 3-june lagu sheegay ganacsato madaxtooyada u socotay ka dibna faraha laga qaaday, taasoo tuhun badan ku abuurtay bulshada caasimada.

Iskusoo duuboo tuhunadaa ku xeeran masuuliyiintaa hay’adaha hawshan khusayso waxay soo if baxday markii uu Suldaanka Ciidagale Sul. Maxaxamed Cabdiqaadir isagoo haysta makarafoonkii TV qaranka ee uu maamulo Wasiir CUKUSE uu si badheeda u yidhi waxa qaraxan ka danbeeya Hogaanka KULMIYE.

Qodobka labaad ee sii xoojiyay, waa Dawlada Djbouti oo sheegtay in dadkii qaraxii Jabuuti ka dhacay fuliyay in ay Somaliland xadkeeda ka soo gudbay isla markaana muddo ku sugnaayeen Somaliland .

Haddaba su’aasha taala wax weeyi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ma la odhan karaa wax badan ayuu ka ogyahay qarixii u danbeeay ama  ma la odhan karaa wuxuu ceebta ka moosayaa hoggaanada uu SULDAANKA u yahay ?.

Dhanka kale wasiirka arrimaha guddaha ayaan wali ka hadal eedayntii ay dawlada Jabuuti u soo jeedisay Somaliland.

 

 

lasoco xogo dheerada oo kusaabsan arimaha kataagan xaga amaanka iyo qaarkale oo dheerada

 

Qalinkii Xasan xuseen, Canada

COMMENTS
LINKS