|
|||||
WAJAALE NEWS
Xoggo Ka soo Baxaya khilaafka Xisbiga KULMIYE oo mar Saddexaad ka dhex Curtay Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Madaxwayne Siilaanyo
June 24, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) ;xusbiga kulmiye ayaa mudo labaaxada gayay khilaaf ka aloosmay dhexdiisa kaasi oo ay dawo u noqotay golaha guurtida oo galay arinkooda damiyayna xaalada xusbiga, waxa kale oo sii anba qaday damintaa ganacsato kasoo jeeda beesha muuse biixi kuwaasi oo gabi ahaanba daweeyay iyaguna intii ka dhinayd,;;Sida ilo xoggogaal ah u xaqiijiyeen shabakada wararka ee wajaalenews, ayaa sheegaya in maanta uu Madaxwayne Siilaanyo isugu yeedhay hoggaanka Xisbiga KULMIYE, taasoo muhiimadda kulanka baaqa ah uu daarnaa sidii looga wadahadli lahaa shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo muddadiisu ku ekayd in la qabto 24 bishan, kuna muddaysnayd maanta. Haddaba, Madaxwaynaha ayaa hoggaanka ugu yeedhay in ay ka wadahadlaan, isla markaana dhexdooda ka wada tashadaan arrimaha dib u dhaca ku keenay qabsoomida shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo in la isla meel dhigo wakhtiga kama dambaysta ah ee ku haboon in shirku qabsoomo. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa tibaaxaya in isla markii la is horfadhiistayba si loo bilaabo wadatashiga arrimaha Xisbiga, ayaa wuxuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi uu ku tiraabay in aanay suurtogal ahayn laga wadahadlo arrimaha la xidhiidha Xisbiga, kahor ilaa inta ay kulan gaar a wada yeelanayaan Madaxweynaha Mr. Siilaanyo, balse arrintaas waxa ku gacan saydhay qaar ka mid ah hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo ku sugnaa madasha shirku wadatashiga ah uu ka socday. Intaa kadib Muuse Biixi, wuxuu Madaxwaynaha u sheegay in uu ka baxay heshiishkii waxna aanay ka jirin wixii Guurtidu ku dhexdhexaadisay iyo ereyo kale oo uu ku durray cidkasta oo dhex ka ahayd damminta khilaafkii kala irdheeyay isaga iyo Madaxwayne Siilaanyo.wuxuna mr biixi ku hanjabay in uu iska casilidoono xilka gudoomiyenimo ee xusbiga Dhanaca kale wararka ayaa tibaaxay madaxwayne siilaanyo la xidhiidhay maxamed aw siciid oo isagu gadhwadeen ka ahaa gudidii ganacsatada ee uu muuse ka aqbalay ka hadhida musharaxnimada Maxamed aw siciid ayaa isagu xiligaa kusugnaa madaarka hargaysa oo uu kasii dhoofayay. lamana oga wax uu ku jawaabay iyadoo lafilayo in uu socdaalkiisa soo gaabin doono is u marlabad u dhex galo khilaafka muuse iyo siilaanyo. Arrintan ayaa noqotay mid ka yaabisay dhagaha bulshada Somaliland, kuwaas oo saddex maalmood kahor dhagaystay Muuse Biixi oo ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba ka tanaasulay musharaxnimada, ugana tanaasulay Siilaanyo in uu mar labad isa soo sharaxo. Su’aasha dadwaynuhu is waydiinayaan, ayaa waxay tahay mar haddii uu Muuse damaciisii ka hadhay haddana waxa cusub ee keenay maanta in uu ku dhawaaqo in uu gabi ahaanba ka baxayo heshiishkii? mase noqon doontaa mid uu mar labaad ku helo taageerayaal isbarbar taaga? Muuse Biixi, ayaa kalidii qaatay go’aan uu kaga tanaasulay doonistii ahayd musharaxnimada taas oo dhabarka ka jabisay dad farabadan oo hayb ahaan u taageersanaa. Xilligan Muuse Biixi ma haysto cid gebi ahaanba taageersan waxayna tani noqonaysaa in kalidii si gaar ah u saamaysa, iyadoo dadka badidoodu aanay wali ka kaban dhaawaaqiisii shalay.
WAJAALENEWS DESK EMAIL’WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Masuul Dhalinyaro Ah Umagacaabay Xoghayaha Golaha Ee Xisbiga Ucid. Magaacibada Gudida Wadanka Ingiriiska Ee Qadhaanka Wadada Ceerigaabo Oo Noqday Kuwii Umaddu U Baahna... Shir Caalamiya oo Lagaga Hadlayay Isbedelka Cimilada Dunida oo lagu Qabtay Dal Maroco Iyo somalila... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|