Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ku Guul-daraysatay La Soo Wareegida Maamulka Hawadda Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ku Guul-daraysatay La Soo Wareegida Maamulka Hawadda Somaliland
June 29, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDNI Xildhibaan Ibraahim Mahadi Buubaa oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku guul-daraysatay inay Hawadda Somaliland si toosha u maamusho.

Ibraahim Buubaa waxa kale oo uu sheegay in xisbi ahaan ay dhaliisan-yihiin arrinkaasi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Anagu ka WADDANI ahaan markii horeba waxaanu aaminsanayn in heshiiskani uu markiisii horeba uu ahaa mid la midi roorteeyey oo faashil ahaa,waa aynu ogayn markii Turkiga la tagaayey ee heshiiskaasi la soo galaayey in uu ahaa mid qarsoodiya oo la qarsaday,Axsaabta Mucaaradka ahna oo ay ahayd in ay ka qayb qaataan iyo Golayaasha qarankuba badan koodu aanay ka qayb qaadanin oo Xubno ay iyagu Xusheen ay ku tageen meeshaas waliba waxaa aad arkayseen in qaabka aad marka horeba ay Xukuumadu heshiiska ay ugalaysay oo uu madmadaw fara badani uu ka muuqday,waxaana imika cadaatay in diblomaasiyad ahaan ay Xukuumadu ku fashilan tay beesha Caalamka ama Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa in ay Somaliland ay iyadu maamusho oo iyada gacanta laga galiyo,waxaana cadaatay sida uu Wasiirkuba uu afkiisa ka sheegay ama uu ka dhawaajiyey in jiciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ay hawadii Somaliland iyo Somaliya ka dhaxaysay ay ku wareejisay iyadii oo isku jirta dalka Somaliya”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa

 

Waxa uu intaas ku daray Afhayeenku “Afhayeenka Xisbgia WADDANI Xildhibaan Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi uu ku daray “Waxaanu markaa aanu arintaa u aragnaa arin faashila oo Xukuumaduna ka gaabisay doorkii ay ka qaadan lahayd ama waajibkeedu uu ahaa in ay ka gudato diplomaasiyadii oo lagaga adkaaday Xidhiidhkii beesha Caalamka iyo Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa oo lagaga adkaaday,waxaan kale oo anu u aragnaa in ay tahli kari wayday in ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo beesha Calaamka ah in ay intaba ay u qancis isla markaana ay u soo bandhigt siyaasad u cuntanta oo mugleh oo hufan oo ay ku qanciso in ay iyadu ay gacan teeda ku maamusho Hawada.Heshiiskii Beenta ahaa ee aan waxba ka jirin ee labada warqadood lagu soo xariiqay ee la yidhi Hargeysa Xarun loogaga furayaa oo waa la maamulayaa waxaa muuqata in uu halkaasi ku dhicisoobayaanay waxbana ka jirin”.

 

Wajaalenews desk

Hargeisa office

Email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS