Xisbiga Kulmiye oo Diiday ka qayb galka Xafladdii 26-Juun ee Madaxtooyadda, iyo Hogaanka Mucaaradka ku ah Xukuumaddooda oo ka qayb galay Xuska Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye oo Diiday ka qayb galka Xafladdii 26-Juun ee Madaxtooyadda, iyo Hogaanka Mucaaradka ku ah Xukuumaddooda oo ka qayb galay Xuska Jabuuti
June 28, 2014 - Written by Editor:

Maxamed Kaahin iyo Jamaac Shabeel oo Marti-qaad looga soo diraya Jabuuti ku baxay iyo labaatan kaadh oo madaxtooyaddu Somaliland u dirtay Xisbiga Kulmiye oo Hogaanku daadiyeen

Hargeysa(Wajaalenews) ;Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaan ka soo qayb galin munaasibadii xuska 26-ka Juun ee maalintii Xorriyadda Somaliland ka qaadatay Gumaysigii Ingiriiska ee lagu Xusay Madaxtooyadda Somaliland, halka wararka Waaheen heshay xaqiijiyeen in Hogaanka qaarkood Dalka Jabuuti kaga qayb galayaan Xuska maalintii Xorriyadooda oo lagu soo casuumay Hogaanka Kulmiye.

Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiyihii hore ee Golihii Dhexe ee hore oo ay isku xulafo yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa doraad ka duulay madaarka Hargeysa iyagoo ka qayb galaya Xafladda Xuska Maalinta Madax banaanida Jabuuti oo si gaar ah loogu soo casuumay sida wararku sheegayaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo sanad kasta ka qayb gali jiray munaasibadaha Madaxtooyadda Somaliland qabsato gaar ahaan kuwa 26-ka Juun ayaan habeen hore ka soo xaadirin, halka wararka aanu Xukuumadda ka helnay sheegayaan in Xisbiga Kulmiye loo geeyey labaatan kaadh (20 kaadh), kuwaasoo loogu talogalay inay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye kaga soo qayb galaan xafladdii Madaxtooyadda lagu qabtay.

Talaabadan ayaa muujinaysa Khilaafka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka dhex taagani in uu meel adagmarayo, isla markaana Xisbul xaakimkii u janjeedhsamay Xisbi mucaarad ku ah Xukuumaddiisii, taasoo ay caddayn u tahay ka soo qayb galid la’aanta xafladdii Madaxtooyadda ee 26-ka Juun oo sidoo kale markii ugu horaysay aanay ka soo qayb galin labada Xisbi Mucaarad UCID iyo Wadani.

Dhacdada kale ee sii xoojinaysa khilaafka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye waxa weeyi in Xukuumadda Dalka Jabuuti ay soo casuunto Hogaanka Xisbiga Kulmiye, halka sanadkan aanay wax marti-qaad ah usoo dirin Xukuumadda Somaliland oo ay sanadihii hore usoo diri jirtay marti-qaadyo ay masuuliyiinta Somaliland kaga qayb gali jireen xafladda sanad kasta Dalka Jabuuti u sameeyaan maalinta Madax banaanidooda.

Labadan dhacdo ee sanadkan ku cusub Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa iyo Dalka Jabuuti ayaa noqonaysa mid saamayn xoogan ku yeelanaysa wadashaqaynta Hogaanka Kulmiye iyo Xisbiga oo halkii ugu xumayd maraysa iyo waliba xidhiidhka saaxiibtinimo ee Dalka Jabuuti maadaama Xisbul xaakimkii Dalka oo Xukuumaddiisa Mucaarad ku ah ay marti-qaaday

COMMENTS
LINKS