Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Shaaciyey Damaciisa Kaga Jira Hogaanka Golahaasi Iyo Sida Ay Isku Waafaqayaan Xisbinimadiisu. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Shaaciyey Damaciisa Kaga Jira Hogaanka Golahaasi Iyo Sida Ay Isku Waafaqayaan Xisbinimadiisu.
June 26, 2014 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews)-Xildhibaan Iid Xasan Cabdi Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa si wayn ugu bogaadiyey Wax-qabadka Xukuumada Somaliland ay ku tallaabsatay tan iyo intii ay Talada Dalka la wareegtay, waxa kale oo uu xusay in horumar fiican laga gaadhay Ballan-qaadyadii Xukuumadu ay u qaadi jirtay Shacabka reer Somaliland Wakhtiyadii ay ku gudo-jireen Ollollihii Doorashada Madaxtooyada, taasi oo ay ka hir-galeen Illaa Boqolkiiba Sagaashan Guud ahaan Dalka, gaar ahaan ahaana Gabiley, Isaga oo dhinaca kalena ka hadlay sida ay uga go’an tahay Xukuumada inay Wada shaqayn fiican la yeeshaan, Isaga oo Xusay in Shakhsi ahaantiisu uu Xukuumada Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu ka tirsanaan jiray, ahaana Isu-duwe Gobol.  

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi Waxa uu Arrimahani kaga hadlay Shir-Jaraa’id oo Cawayskii Caawa(Xalay) uu ku qabtay Gurigiisa Magaalada Gabiley, Kaasi oo uu kaga hadlay Arrimo kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya waxaanu ugu horreyn ka hadlay Xukuumada iyo Tallaabooyinka horumarineed ee ay ku tallaabsatay Muddadii ay talada Dalka gacanta ku hayeen:

“Anigoo ah Iid Xasan Cabdi Cali kana tirsan Golaha Deegaanka Gabiley waxaan Shirkan Jaraa’id u qabtay inaan Ka warbixiyo Wax-qabadka Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ay ku talaabsatay tan iyo intii uu Talada Dalka la wareegay Wadaxwaynuhu sanadii 2010kii, waxaan qirayaa oo aan Markhaati ka ahay in Madaxwaynuhu uu ka dhabeeyey Ballan-qadkii uu Umada reer Somaliland uu u qaaday Wakhtigii uu ku jiray Ollollihii Doorashadii Madaxtooyada ee uu ku guulaystay, Wax-qabadyadaasi oo ay ka mid yihiin, Bixinta Darajooyinka Ciidamada kala duwan, Mushahar kordhinta Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawlada, Waxbarashooyinka Bilaashka ah ee Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Dalka, Dhamaystirka Jidka u dhexeeya Kalabaydh iyo Wajaale, Dhamaystirka Jidka u dhexeeya Boorame ilaa Dilla, Binaynta Jidka u dhexeeya Dilla Illaa Kalabaydh, ka qayb-qaadashada Xukuumada ee Wadada u dhaxaysa Allaybaday ilaa Magaalada Arabsiyo, Dhamaystirka Cusbitaalka Degmada Togwajaale, Bilowga Biyo-galinta Biyaha Magaalada Togwajaale, Bilowga Binnaynta Wadada Ceerigaabo ilaa Burco”. Ayuu yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi.

Waxaanu ku daray hadalkiisa: “Marka aan si gaara uga hadlo Wax-qabadka Xukuumada ee ka hirgalay Gobolka Gabiley waxaa kow ka ah: Shaqaalaysiinta Ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadaha Dalka oo Fursadaha shaqo ee bannaanaada inta badan lagu shaqaalaysiiyo Aqoontooda laguna kala saaro Imtixaano, tusaale ahaan Shaqaalihii 45 Boos ee Wasaarada Daakhiligu qaadatay, iyo Iyada oo Shaqaalihii ka hawl-gali lahaa Diiwaan-galinta lagu tartan siiyey Gobol walba Jaamacadihii ku yaalay, oo ay Jaamacada Gabileyna ka mid tahay, waxaana Jaamacada Gabiley laga dhex qaatay 36 kii Boos ee ka shaqayn lahaa Gobolka Gabiley, Kor u qaadista Dakhliga Dawlada ee ka soo gala Kalabaydh, Isbadalka ballaadhan ee ka muuqda Magaalada Wajaale Gudaheed iyo Dibadeeda, iyo ”. Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Mar wax laga waydiiyay Xildhibaanka Xaalada Gobolka Gabiley iyo Muranada ka dhex jira Golahooda Deegaanka waxa uu sheegay Xildhibaan Iid Xasan Cabdi Cali inay jiraan Maamul Xumo ka jirta Fulinta Dawlada/hoose ee Degmada, isaga Arrintani ka hadlaya waxa uu yidhi: “Runtii horta waxa ka soo wareegtay Muddadii lanoo dhaariyey Xubnaha Golaha Deegaanka Gabiley Muddo sanad iyo Lix bilood ah, wixii lanoo dhaariyeyna waxay ahayd in Degmadayada la gaadhsiiyo Horumar dhinacyo badan taabanaya oo Mid Maamul iyo Mid Mashaariiceedba, laakiin taasi kamay hirgalin illaa muddadaasi, Iyada oo ay ugu wacan tahay Xubnihii Fulinta ee aanu u Igmanay inay ka dhabeeyaan Qorshayaashii aanu dhiganay oo Majaro habaabiyey Ajandihii, taasina waxay nagu kalliftay in Aqlabiyadii ay ka soo har-jeedsadaan Fulintii, Iyada oo tan iyo Mudadaasi ay  Wasaarada Daakhiligu na soo dhex gali jireen, isla markaana Na dhexdhexaadin jireen. Balse, Kaadi badane waa loo gogol badiyaaye Fulintu aanay dhag-Jalaq siin jirin. Arrintaasoo Xalkeeduna noqotay Maanta inaanu 14 Xildhibaan Kalsoonida kala noqono laba Xildhibaan oo kalena nagu soo biiraan”.

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay Is-badalka ay doonayaan inay ku sameeyaan Fulinta Dawlada/Hoose, waxaanu yidhi: “Waxaa naga go’an in aanu samayno Isbadal ballaadhan, muhiimna maaha in Qof lagu badalo Qof. Balse waxaa ka muhiimsan in Nidaamkan uu u shaqeeyn jiray Gudoomiyihii hore in aanu ku badalno Nidaam saxan oo toosan oo ina gaadhsiiya Horumarka, waxaana kaw ka ah: In laga shaqaysiiyo Guddi hoosaadka Golaha, Dar-dar galinta Waaxyaha Dawlada/Hoose iyo dhamaystirka Mashaariicdii horumarineed ee naga baaqday 2013 Iyo 2014, Maamul daadajinta ilaa heer tuulo, taasi oo na gaadhsiin doonta Mustaqabalka dhaw Horumar ballaadhan oo tusaale u noqon doonta Golayaasha Deegaanada Dalka, Xukuumadan Wax-qabadkana Degmada Gabiley ka dhex muuqan doonto, baal-dahabana gali doonta”.

Xidhibaan Iid Xasan Cabdi oo wax laga waydiiyey in uu Damac kaga jiro Hogaanka Degmada Gabiley, waxa uu sheegay in uu ku jiro in uu doonayo Gadhwadeenimada Golaha, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: “Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Deegaanka Gabiley Xaq ayuu u leeyahay in uu Hogaamin karo Golaha, taasi darteed hadii aan Kalsoonida 14kii Xildhibaan ee Is-badal-doonka ahaa, Isla markaana isku dhaarsaday in ay gudahooda iska dhex doortaan Gudoonkooda, ay I siiyaan Kalsoonidooda aan ku hogaamin doono Cadaalad, Sinnaan iyo Wax-qabad, iyo waliba Hawl-karnimo. Isla markaana Bulshada ugu Adeegi doono si hufan oo hagar-la’aan ah”. Ayuu yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi .

Mar wax laga waydiiyey Xildhibaanka sida ay isku waafaqayaan Damaciisa iyo Siyaasada Dawladu Maadaama aanu ka soo jeedin Xisbiga Xukuumada ee Kulmiye waxa uu yidhi: “Waa run oo waxaan ka soo baxay Xisbiga Wadani, haseyeeshee, markii la I dhaarinayey la iima dhaarin Xisbiga Wadani, balse waxa la ii dhaariyey Inaan Dadkayga, Dalkayga, iyo Dawladayda aan ugu shaqeeyo Daacadnimo, Cadaalad iyo Sinaan, Dadkii ii codeeyeyna Maanta waxay taageersan yihiin Xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Waxqabadkiisa Anigana wax iga mancinaya ma jiraan inaan Horumarkaa kala shaqeeyo, Horumarka Umadana inaan ka shaqeeyo waan u dhaartay”. Ayuu Xildhibaan Iid Xasan Cabdi Cali ku soo gaba-gabeeyey Hadalkiisa.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS