Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Boorama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Boorama
June 9, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)JXeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Xasan Cabdi Axmed, ayaa safar kormeer shaqo ah ku tagay maanta magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, isagoo maray xafiiska xeer-ilaalinta ee gobolka, maxkamadaha iyo taliska booliska oo uu u dhabbo-galay adeeg-qabashadooda.

Xeer-ilaaliye Xasan oo saxaafadda ugu warramay Boorama, waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisu tahay sidii uu qiimayn ugu samayn lahaa xaaladaha iyo wada-shaqaynta hay’adaha garsoorka ee Gobolka Awdal, loona ogaan lahaa inay jiraan caqabado iyo duruufo hortaagan gudashada waajibaadkooda shaqo.

“Waxaan u imid kormeer hawleed oo aannu ugu kuurgalayno xaaladda iyo qaabka shaqo ee ay u socdaan hawlaha xafiiska xeer-ilaalinta guud ee Gobolka Awdal. Sidoo kale, waxaannu kormeer ku marnay jeelka, Maxkamadaha Racfaanka, degmada iyo gobolka ee magaalada Boorama, taliska booliska. Intaas oo goobood waxaannu u marnay si aannu u eego xaaladooda wada-shaqayneed iyo siday u gutaan hawlaha ay qaranka masuulka uga yihiin, gaar ahaan dhinaca caddaaladda iyo garsoorka. Annagoo sidoo kale eegayna, qiimaynayna xaaladooda, duruufaha iyo hadday jiraan caqabado hortaagan.”

 

Waxa kale oo uu sheegay inuu u kuurgalay qaabka dacwadaha iyo dhegaysiga kiisasku uga socdaan Maxkamaddaha iyo xafiiska xeer-ilaalinta ee Gobolka Awdal, lana dedejiyo haddii ay jiraan dacwado aan hore uga gudbin, baaqina ku ah xeer-ilaalinta si loo sugo caddaaladda iyo xuquuqda muwaaddiniinta, isagoo intaa ku daray in ujeeddada safarkoodu ku qotomay sidii loo ogaan lahaa haddii ay jiraan cabashooyin hay’adaha garsoorka laga qabo, loona sixi lahaa wixii dhib ah ee jira.

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ballanqaaday inay wax ka qaban doonaan wixii dhlliilo  ee loo jeediyo xarumaha xeer-ilaalinta, sidoo kalena wax ka qabanayaan baahiyaha iyo adeegyada ka dhiman, isagoo xusay inay hadda xoogga saarayaan sidii loo dhisi lahaa, loona qalabayn lahaa xarumaha xeer-ilaalinta ee gobollada dalka.

 

Wajaalenews desk

hargeisa office

email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS