Xasan Macalin Waa Qof Aan Wacad Iyo Abaal Midna Lahayn, Oo Qabyaaladu Diin U Tahay” Mujaahid Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasan Macalin Waa Qof Aan Wacad Iyo Abaal Midna Lahayn, Oo Qabyaaladu Diin U Tahay” Mujaahid Cali Guray
June 2, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Mujaahid Cali Guray waxa uu sidoo kale Afhayeenka Guddida Diwaangalinta ku tilmaamay Shakhsi Qabyaaladu diin u tahay.

 “Xasan-macalin,ninka ku hadlayay magaca haya’dda aan jirin ee Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda wuxu ahaa qabyaalad qaawan oo hadlaysa. Waa Wasiirkii Madaxtooyada ee Daahir Rayaale ee markuu lacagtii kambaynka qaatay, ee xataa tii muraaqibiinta reerkiisa qaatay, ee tu walba qaatay maalintii doorashada ka horeysay adeerkii isaga tegay. 

 Waa qof aan wacad iyo abaal midna lahayn ee qabyaaladu diin u tahay. Haya’ddan uu sheeganayo laba sanadood oo keliya ayay sharci ahayd muddo kordhin sharci ahna may helin. wuxu inoo sheegay in loo soo gudbiyay go’aano sharci ah.oo ka soo baxay shirwaynihii Kulmiye waana beentii. 

 Liiska lix nin oo shirgudoonklii ahi ay kala duunteen xubintii todobaad oo ahaa Dr Maxamed Cabdillahi oo sida intooda kale isaguba reer metelayay ayuu leeyahay waa go’aan shirwayne. Liiska Golaha Dhexe waxay ahayd in hal hal shirwaynuhu u ansixiyo. Tan kale gudida fulinta waxa iska leh soo jeedintiisa Gudoomiyaha Xisbiga waxaana la raacayaa xeerka xisbigu leeyahay waana sidii ay ahaan jirtay. 

 Xeer Lr. 14 waxan hore ugu bixiyay shirqool lam 14 waxa kuligii ba loo samaystay dano gaar ah ee wax loo sameeyay dan qaran ba maaha. Anaga UCID ahaan waxa la yidhi Gudoomiyaha Xisbiga laba mar wax ka badan lama dooran karo. Sidii sheekadii AHN Sheekh Muxumad Yare iyo salaadii jimacaha ayaanu nidhi walaahi naanu sedex dooran afar goor dooran hadii aanu doono waayo sharciga UCID baa ogol. 

 Waxay noqotay taayadii. Markaa Xasan-macalin futada ha iska geliyo Shirqool lambar 14 iyo qabyaaladiisa xun ee caantaynka ahba”.ayuu yidhi Cali Guray oo qoraal kooban ku baahiyay Boggisa Facebook

 

wajaalenews desk

hargeisa office

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS