|
|||||
WAJAALE NEWS
Xabsiyo ku Yaalla Dalka Liibiya oo Lagu Jidh-dilo Tahriibayaal ay ku Jiraan Soomaali
June 23, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS— Dad gaadhaya 6,000 oo ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu xiray xabsiyo aad uga liita dhinaca nadaafadda oo ku yaalla Tripoli sida lagu xusay warbixin ka soo baxday hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch. Sidoo kale tiro u dhaxaysa 500,000 illaa 800,000 oo qof oo u badan Soomaali, Suudaanays iyo waliba Ereteriyaan ayaa wali ku xaniban meelo kala duwan oo ka tirsan Liibya,iyada oo waliba qaarkood gacanta lagu dhigay xilli ay qorshaynayeen safar dhinaca badda ah . Waraysi ay Human Rights Watch ka qaadday sagaal maxbuus oo ku kala xirnaa 138 xasbi oo dowladda Liibya ay gacanta ku hayso ayaa sheegay in loola dhaqmay si aan wanaagsan ,isla markaana aad loo dhibaateeyo. “Ilaallada xabsiga waxa ay igu garaacaan si joogta ah ulo ka samaysan caag ,iyada oo ay sii dheertahay tacadiyo uu feerka kamid yahay,” ayuu yiri 27 jir u dhashay Soomaaliya oo aan magaciisa lagu shaacin warbixinta. Midowga Yurub ayaa hakiyay afarta sano ee soo socota lacag gaaraysa 12 Milyan oo wax looga qaban lahaa arimaha qaxootiga soo gaara Talyaaniga ilaa iyo inta laga joojinayo tacadiga lagu hayo muhaajiriinta. “Waa laga yaabaa xaaladda siyaasadeed ee Libya in ay adagtahay, balse dowladda wax cududaar ah uma haysato in ilaalada goobaha lagu hayo maxaabiista ay dhibaato u gaystaan dadkan ‘ayuu yiri Gerry Simpson oo ka tirsan HRW. Ugu danbayntii dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in sanadkan la bad-baadiyay kumanaan ruux oo u badnaa rag iyo dumar, kuwaasoo soo raacay doomo ciriiri ah si ay ugu sii gudbaan Yurubta kale.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|