Wuu ku khasbanaa Muuse inuu sidaa yeelo (Fadlan wax kabaro Taariikhda Muuse iyo Siilaanyo si aanad ugu hafan duufaanka uu kiciyay khilaafkoodu). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wuu ku khasbanaa Muuse inuu sidaa yeelo (Fadlan wax kabaro Taariikhda Muuse iyo Siilaanyo si aanad ugu hafan duufaanka uu kiciyay khilaafkoodu).
June 25, 2014 - Written by Editor:

(Muuse meel kale uu tago garan maayo oo umada way isasoo wada seegeen qoladanina waxay ka dhigteen budh ay dadka la dhacaan oo qofkii hadlaba u jawaaba)

Wacan oo wanaagsan dhamaan akhristayaal waxaan la soconay inuu khilaaf xoogani baryahnba ka dhex jiray xisbiga Kulmiye ,oo uu mudoba la daalaa dhacayay laakiin buste weyn la saarayay oo Muuse waligiiba ha is adkeeyo ama yuu is adkayne  way ka muuqatay  wajigiisa iyo hadalkiisaba naf la caariga siyaasaddu meel uu u ciirsadona  aanu haysan.

Muuse iyo Siilaanyo iskumay cusbayn ee waxay ahaayeen laba qof oo waayo badan soo wada maray inkastooy duruufteeda lahayd ,wakhtigii halgankii ,wax uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay Muuse sidii uu u curyaamin lahaa talada Siilaanyo oo markaa ahaa gudoomiyihii SNM ,waxa la odhankaraa Siilaanyo waa ka waayo argsanaa waana ka siyaasisanaa niman askar ah oo uu markaa hogaamiye  u ahaa Muuse biixi (calan cas),inkastoo aan la odhankarin way kuwada raacsanaayeen siduu Muuse wax u waday hadana waxa muuse u sahlayay inuu nin walba jiidho ama tukhaantukhiyo deegaanka la daganaa markaa oo ahayd degaankii Muuse reerahooda oo ninkasta ku khasbaya inuu macaamil wanaagsan la yeesho halkay taakulayntu taalo ,goobaha lagu yara nasanayay  yihiin,marka dagaalka lagu soo daalo ubacda iyo xaasaska la dhigtay.raashika ciidamada shidaalka ,iyo wax ala wixii lagu wadayay dagaalka.

Akhriste idinku celin mayo waayahaa iyo jiidh jiidhka muuse ,oo uu gaadhsiiyay inuusiilaanyo tagi kariwaayo meelo badan oo ciidanku joogay oo loo baahnaa inuu guubaabiyo ama la hadlo,kaaga sii darane xaataa waxa uu gaadhay inuu  yidhaa  isagaa  khaarajiyay saraakiil inagaga dhimatay wakhtigii halganka ,  iyo halganku soconmaayo inta uu Siilaanyo gudoomiye yahay.

Dagaalka muuse kumuu koobnayn oo kaliya siilaanyo ee waxa uu sutida u qaban jiray cid kastoo uu ku tuhmo in aanay u hogaansanayn awaamiirtiisa ama uu ku tuhmo inay la socdaan siyaasiyiinta ,sidaan hore u soo sheegnay waxa ka mid ahaa saraakiishii uu go’doomiyay Xasan Yoonis Habane, Ahmed Mire, Jaamac Cali Cilmi, Jidhif iyo kuwo kale oo badan.

Muuse waxa uu ku kasbaday badradaa iyo kibirkaa sidii hore loo yidhi  inan yaroo reerkoodii jooga looma taag helo ,colaad aad u badan oo uu dadka qaarna fogeeyo qaarna isagoon naf u hayn uu kolba dhinac kaga yimaado ( jiidh jiidho). Tiiyoo nin walibana eegayo halganka iyo kala qubnaanta dadka maalintaa,waxa uu ku guulaystay inuu ka tuuro gudoomiyanimadii siilaanyo isagoo adeegsanaya saraakiishii hogaaminaysay ciidanka soona sharaxo nin ay markaa wateen oo ahaa Maxamed Xaashi Cilmi ,nasiib wanaag waxa ka helay codkii Cabdi Rahmaan Ahmed Cali oo ay tartanka kuwada jireen tiiyoo ay qorshaha ay dhigteen aanay ku talo galin in aan laga helin hadana xaga ala iyo waayeelka dartii uu ku guulaystay cabdirahmaan tuur. Muuse kuma hadhin halkii ee waxa uu ka sii waday colaadiisii uu u qabay Siilaanyo iyo siyaasi oo dhan tiiyoo layska laalaado oon naf laysku hayn ayaa ilaahay dalka ina soo galiyay ,markiiba waxa uu bilaabay in aanu cidna aaminin oo uu ogyahay sidii uu ku ahaa dadka waxaanu abaabulay kala qaybqaybintii mujaahidiintii SNM oo uu kooxba dhan u didiyay dagaalo sokeeye fooda laysu galiyay tiiyoo la rabo in lagu dhex gabado ama la dambabaso waxyaalihii la gaystay halganka dhexdiisa,sidii kumuu hadhin Muuse waxa uu cagta cagta u saaray Cabdirahmaan Tuur oo uu gaadhsiiyay in gaadhiga lagaga qaado badhtamaha Hargeysa,waxa dagaalo laga riday Barbara, Burco, Hargaysa si loo xakameeyo in aan maamulkaasu dhaqaaqin,isgoo ka baqaya in lala xisaabtamo hadii reerku dago.

Waxa ay ku guulaysteen isaga iyo saaxibadii iyakoo kala cararaya xukunka ragii  siyaasiyiinta ahaa ee ay soo wada halgaameen ,in ay saaraan Mahamed Ibraahim Cigaal,oo doorbidayeen kanaan waxba idinka ogayne u dhiibta. Cigaagalna waa u gabaday oo waakii wada qaawiyay, samirku waa cajiib .waxa halkaa ku siibtay in ragii soo halgamay ay xukunka wadaagi kari waayaan ooy kala baqeen ,waana tan uu hada ku hadaaqo siilaanyo waanu soo wada halganay  muusow imisaa uga tagay dalkaba daraadii mee ragii waxaad ka wadataa ina Kaahin oon kugula socon daacadnimo e,cidkalena lagu wareejio rag badan oo hogaamin karilahaana loo diiday fursad ay ku hantaan, Aamiindarada muuse waxay gayaysiisay inuu hoostago siilaanyo isagoo ka baqa qaba reerihii ama saraakiishii iyo siyaasiyiintii uu xumeeyay iyakoon waxba galabsan (adigoo hebel diidan eryo reer hebel maaha)inuu raaco urur uu samaystay Ahmed Siilaanyo dhimashadii cigaal ka dib, Siilaanyo aqoon aada ayuu u lahaa ama u leeyahay Muuse si la yaqaana waa ugu soo mooshay wakhtigii uu u baahnaa taageerada ee uu mucaaridka ahaa isagoo og dhibta uu ku hayo (waxa laga hayaa siilaanyo inankaasu dhibta uu igu hayo iyo dheeftiisa waxa badan dhibkiisa,iyo intuu ina caayi lahaa ha inoo caayee daaya)muuse waxa lagu dhaafay ama lagaga gudbay saaxiibo badan uu ku duuli jiray iyadoo dhulka laysku dhigayo laysuna dabcinayo ,waxala waxuu doonana loo yeelayo waxa lagu gaadhay qasriga madaxtooyada dhul isu dhigii .hadaba ciyaartii lawada ciyaarayay yaa badalay ? su,aashaa muusaa ka jawaabay kiiyoo ku afgobaadsanaya guurtida , siilaanyo kii maaha meeshuna Xarshin iyo Harta sheikh maaha dadku dadkii maaha ciidanku ciidankii maaha muuse markuu hareerihiisa eegay waxa u soo baxay inuu taagan yahay cidla waana ku khasbanaaday inuu yeelo sidaa ay ku taliyeen Indha birta iyo Rashiid Ciise oo uu dhali karaa , walibana waa la wanaajiyay marka lagu asturay guurtidaa sidaa tidhi iyo ganacsataa sidaa tidhi ee waxa u yaalay in habeen madow RRU da loo diro cid ka daba hadashaana aanay jirteen, hadana masii haynkaro xisbiga ee waa in si dhakhso ah isagana uga tanaasulaa intuu ku marmarsiiyoodo arimo caafimaad waayo ma wada shaqayn karaan raga ay wada ciyaareen siyaasada kulul  lagamana wada sifayn karo xisbiga ragaa markaa muusaa fudud..

Ciyaarta lala ciyaarayna waa isagoo cunay ehelkiisii saaxiibadii,iyo intii taageertay hadaba dantay doonaan ha ka lahaadeene ,iyo isaga oo u gacan galay rag wata ehelkoodii oo isku duuban iyo saxiibadood.waxa laga hayaa nin ay is xigaan muuse (maalmihii xaaladu kululayd inaadeerkay anigaa ogoo meelkale uu tagoba garanmaayo qoladan xukunka haysataana waxaabay ka dhigtaan budh ay la dhacaan dadka oo hadii la yidhaa dhulka xaadh mafiiqbuu la boodayaa bal eega ayaamo dabadood ).waxaan ku soo gabgabynayaa muusow maanta maad dhiman ee markaad ragaagii cunaysay baad dhimataye ala ha kuu gargaaro.dhaalinyaradana waxaan leeyahay ninka walaalkii cunaa cidluu is dhigay ee Muuse maanta lagama badine horaa looga badiyay inagana waxa uu inagu ahaa caqabad laynagu karbaashayo ee waa in aynu si dhakhso ah u tashanaa sida dadka kale.

 

 

Eng: Ahmed Mohamed Omar

COMMENTS
LINKS