Waxanu Canbaaraynaynaa Falka Waxshinimada Ah Ee Lagu Xidhay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCID Marwo Xaliimo Cismaan Raage: Warsaxaafadeed Xisbiga UCID Laanta UK | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxanu Canbaaraynaynaa Falka Waxshinimada Ah Ee Lagu Xidhay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCID Marwo Xaliimo Cismaan Raage: Warsaxaafadeed Xisbiga UCID Laanta UK
June 20, 2014 - Written by Editor:

Dhammaan taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee Laanta UK waxay canbaaraynayaan falkii waxshinimada ahaa ee lagu xidhay Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID Marwo Xaliimo Cismaan Raage, sababta Guddoomiyaha loo xidhay illaa hada xukuumadu ma cadeyn, xadhigan wuxu qayb ka yahay tacadiga lagu hayo Xisbiyada Mucaaradka iyo Warbaahinta madaxa banaan.

Waxanu xukuumada Axmed Siilaanyo ugu baaqaynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadeeda loogu soo celiyo Guddomiye Xaliimo Cismaan Raage iyo muwaadiniinta xaqdarada ku xidhan ee jeelasha ku jira, waxaynu ognahay in dadbadani jeelasha ugu jiraan rayigooda oo ay cabireen.

Waxaa kale oo aanu canbaaraynaynaa falkii shalay isagana ka dhacay Maxkamada Hargeysa oo la horkeenay Yuusuf Cabdi Gaboobe Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF oo ay dacwad u haystaan qaar ka mid ah Casabada Madaxweynaha ee Dalkan Maamusha, sida uu ka dhawaajiyay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxaa maxkamada Dhexdeeda Yusuf Cabdi Gaboobe ugu hanjabay nin xeer illaaliye ah oo Madaxweyne Siilaanyo isku beelyihiin kuna yidhi cagta hoos teeda ayaanu ku galin doonaa.

Labada Xisbi ee Mucaaradka iyo Shacabka reer Somaliland Dhammaantiin waxaanu ugu baaqaynaa in Xukuumada Siilaanyo Dulmigeedii ay soo dhaaftay Alamtara. Sidaa darteed waqtigii loo samrayay way soo dhaafeen dadkuna intan ka badan ma adkaysan karaan waa in la abaabulaa Mudaharaado Salmi ah oo Si Nabad ah ku qabsooma Dalkoo dhana ka dhaca oo lagu difaacayo Xuriyatul Qowlka iyo Saxaafadda Madaxa banaan ee reer Somaliland ee tacadiga iyo cagajuglaynta Xukuumadani ku hayso. Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Way ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibada iyo tii arrimaha gudahaba, beeshii caalamka iyo wadamadii jaarka inala ahaaba albaabadii bay ka xidheen markii ay arkeen qaab xumadooda siyaasadeed, maantana waxa la gaadhay waqtigii shacabkuna ay albaabada ka xidhan lahaayeen.

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)

 

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda ee Xisbiga UCID Laanta UK

warfaa_101@hotmail.co.u

COMMENTS
LINKS