Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo La kulmay Dhigiisa Shiinaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo La kulmay Dhigiisa Shiinaha
June 5, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maal-gashiga dalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xarunta Shiinaha ee Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha, Wang Yi, iyagoo kawada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo fulinta mashaariic ay China horay u ballanqaadday.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ee Beijing ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo ganacsiga labada dal u dhexeeya.

Ducaale ayaa uga sheekeeyay dhiggiisa Shiinaha, horumarrada amni ee ka hana-qaaday Soomaaliya iyo rajada laga qabo in awoodda dowladda iyo sharciga lagu baahiyo guud ahaan gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Sidoo kale, C/raxmaan Ducaale ayaa xusay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya u fidinayso taageero ballaadhan oo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana horseedi karta in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo sacabka kale ee Soomaaliyeed, si xal dhameystiran oo nabdoon loogu helo qalalaasaha ay wadaan kooxaha argagaxisada ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka  xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo xasilloonida, isagoo sheegay in Shiinaha xiriir dhow oo saaxiibtinimo ah ay la leedahay Somalia.

Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay xukuumadda iyo shacabka Shiinaha oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600-sano, iyadoo culumada iyo ganacsatada Shiinaha ay booqdeen deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan sannadkii 1420-kii si is-dhaafsi ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha ayaa  aqoonsatay qarannimada iyo gobonimada jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sannadkii 1960 –kii,  taa badalkeeda dowladda Soomaaliya waxay hormuud u ahayd , olole hoggaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda Shiinaha ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS