Wasiirka Madaxtooyada oo Deeg Lacag ah gaadhsiyey Gudida Wadada Baligubadle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada oo Deeg Lacag ah gaadhsiyey Gudida Wadada Baligubadle.
June 5, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Madaxweynaha Qaranku waxa uu Shacbigisa Farta ugu Fiiqay inay waxqabsankaraan oo ay dedaali karaan isaguna uu garab taagnaan doono wakhtiga

Wasiir Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maareeyaha Wadooyinka oo hogaaminaaya wefti balaadhan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada, Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaan Kijaandhe, Gudidada Wadada Baligubadle ilaa Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi oo deeq lacag ah oo dhan 100,000 Dollar  ku wareejiyey Gudoomiyaha Dhismaha wadada Baligubadle ilaa Hargeysa ayaa sheegay in himiladoodu tahay in ay mar walba ka dhabeeyaan dhismaha iyo taabogelinta Wadooyinkii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay.

IMG_0203IMG_0307IMG_0230(1)IMG_0234

Waxa kale oo weftiga kuwehelinaayey xubno ka mida qurbajooga gobolka Baligubadle iyo Gudoomiyaha Gobolka oo bulshada ku baraarujiyey in ay u sii baneeyaan wadada ku soo foolka leh waana mid aad u aayi-doontaan ayuu yidhi gudoomiyuhu madaama oo ay wadadani tahay mid Qiimo aan la qiyaasi Karin ugu fadhida Deegaanka iyo Gobolkaba.

COMMENTS
LINKS