Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Cadeeyay In Aan Meelna Laga Arag Bisha Ramadaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Cadeeyay In Aan Meelna Laga Arag Bisha Ramadaan
June 27, 2014 - Written by Editor:

Waxa aynu naawilaynay oo aynu raadinaynay bisha Bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hargeysa (Wajaalenews) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa cadeeyay in aanay caawa ahayn Ramadaan, balse la dhamaystiri doono 30-ka bisha Shabcaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo warbaahinta ugu waramayay Masjidka Cali Mataan ee Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi

Ugu horeyn waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Waxa aynu naawilaynay oo aynu raadinaynay bisha Bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hadaba Meel laga arkay bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ma jirto, sidoo kale dunida Muslimka ayaanay ilaa iminka jirin meel laga soo sheegay ama laga arkay.

Hadaba bisha Shabcaan waa 29 waxaanan dhamaystiri doonaa hadii alle idmo 30-kii bisha Shabcaan” ayuu y

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS