Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday dajinta qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2015 iyo wasiirka oo ku wargeliyey Hay’adaha Dawladdu inay soo xaraystaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday dajinta qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2015 iyo wasiirka oo ku wargeliyey Hay’adaha Dawladdu inay soo xaraystaan
June 16, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa bilowday dajinta qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2015-ka, taasoo falanqaynteeda si rasmi ah loo gudagali doono bisha Augost.

samaalWareegto uu wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale u kala diray Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ayuu ku war-geliyey inay masuuliyiinta hay’adahaasi ku soo xareeyaan qorshayaashooda sannad Miisaaniyadeedka 2015-ka Xafiiska Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Wareegtada uu u kala diray Hay’adaha Dawladda iyo Wasaaradaha waxa uu ku yidhi “ masuuliyiinta wasaaradaha iyo Hay’adda Dawladda waxaan ugu baaqayaa inay ka soo qayb galaan shirarka lagu falanqayn doono ku talagalka Miisaaniyadda 2015-ka oo bilaabmi doona bisha Augost, haddii kale waxa ku talagalka Miisaaniyadooda u samayn doonta wasaaradda Maaliyadda” ayaa lagu yidhi digreetada.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa labadii sano ee uu xilka hayey wasiir Samaale sanadkasta miisaaniyadda wakhtiga loogu talogalay ka Ansixisa Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda, waxaanay dhaqan galisaa kow-da bisha koowaad ee sanad kasta

COMMENTS
LINKS