Warbixin ku saabsan Maalinta Qoxootiga Dunida oo ku beegan Maanta oo kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin ku saabsan Maalinta Qoxootiga Dunida oo ku beegan Maanta oo kale
June 20, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;;Qaramada Midoobay ayaa 20-ka bisha June sannad walba u aqoonsatay maalinta qaxootiga adduunka, waxaana jira wadamo badan oo maanta laga xusi doono, iyadoo ay sii kordhayaan dadka maalin walba ka baxsanaya  colaadaha ka jira wadamo badan oo adduunka ah.

Dadka ku barkacay  colaadahan 20-kii sano ee ugu danbaysay ayaa la sheegay in ay gaaarayaan  45.2 million oo ruux sida lagu xusay warbixin ka soo baxday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka  ee UNHCR.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2011-ka  ilaa 2012-ka waxaa qaxooti ahaan loo diiwaan galiyay dad gaaraya 2.6 Milyan oo ruux ,iyaga oo ku biiray tiradii hore, waxaana jira tiro kale oo garaysa 28. 8 Milyan oo iyagana lagu qasbay in ay ka qaxaan xuduududaha wadamo badan oo adduunka ku yaalla.

Waxaa jira tiro kale oo gaaraysa 15.4 milyan oo iyagana qaxooti cusub ah, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu dhibaateeyay wadamadii ay ku noolaayeen,waxaana kaalinta koowaad kuwada jira  wadamada kala ah Iiraan, Afgaanistaan iyo Bakistaan.

Soomaaliya oo kaalinta labaad fadhida waxaa dagaallada sokeeye ka cararay dad gaaraya 1.1milyan  oo ruux ,kuwaasi oo badankood laga diiwaan-galiyay xeryo ku yaalla meelo kala duwan oo adduunka ah gaar ahaan Kenya.

Kaalinta sedexaad ee kala saraynta arintan waxaa so galay dalka Ciraaq oo ay ka qaxeen dad gaaraya 746,000 oo ruux halka Siiriya oo ku jirta afraadna ay ka barakceen dad gaaraya 471,000 oo u badan dumar iyo caruur.

UNHCR ayaa sheegtay in dad ku dhow hal milyan oo qaxooti ah  oo wadamo shishieeye u barakacay ay wali sugayaan sharciyo ay kala helaan wadamada ay iska dhiibeen ,iyaga oo qaarkood aan loola dhaqmin sidii la rabay.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada ugu badan la diiwaan galiyay ilaa sanadkii 1993-dii, markaasoo colaadaha sokeeye ay bilow ahaayeen ,waxaana si rasmi ah hadda UNCHR ay gacanta ugu haysaa tira ka badan 35.8 Milyan oo ruux

Wadanka jarmalka ayaa kaalinta koowaad kaga jira wadamo gaaraya ilaa tobon oo marti-galiyay qaxooti tira badan ,waxaana kuwa kale kamid ah Iiraan, Kenya, Shiinaha iyo waliba Turkiga ,inkastoo mararka qaar ay dhaleecooyin la kulmaan.

Ugu danbayntii sanadkii 2010-kii waxaa wadanka Angola iska dhiibay qaxooti garaya 15,000 oo 11,900 oo  kamid ah ay ka soo carareen colaadaha ka jira wadanka Congo ,inkastoo ay jiraan tiro kale oo iyagana sanadkii 2011-ka iska dhiibay wadanka Zambia

 

COMMENTS
LINKS