Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sheegay inay caqabado haystaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sheegay inay caqabado haystaan
June 4, 2014 - Written by Editor:

Wajaalenews ;Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Aaandiif ayaa maanta sheegay inay caqabado badan ka haystaan magaalooyinkii ay kala wareegeen Al-shabaab, sidoo kalena uu caqabad ku yahay howlgalkooda khilaafyada siyaasadeed ee madaxda dowladda.

“Caqabado ayaa naga haysta magaalooyinkii aan kala wareegtay Al-shabaab; kuwaasoo ay ka mid tahay inay Al-shabaab magaalooyinkaas ka jareen korontadii, dadkii ku noolaana ay ka barakaceen,” ayuu yiri ergayga oo wareysi gaar ah maanta siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

Danjire Anaadiif ayaa ku ammaanay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM inay howlgallo wanaagsan qabteen intii ay dalka ku sugnaayeen, isagoo xusay in tiradoodu ay aad u yar yihiin.

Sidoo kale, wuxuu danjiruhu wuxuu intaas ku daray in magaalada Kismaayo dhawaan la geyn doono ciidammo isku dhaf ah oo ay ka mid yihiin kuwa Kenya iyo Sierra Leone, kuwaasoo uu xusay inay ammaanka gobollada Jubbooyinka si deg-deg ah wax uga qaban doonaan.

“Waxaa naga go’an inaan dalka oo dhan ka dhigno amni inta aan la gaarin doorashooyinka la doonayo in Soomaaliya laga qabto sannadka 2016, balse aysan suuro-geli karin haddii aanay shacabka Soomaaliyeed gacan ka helin,” ayuu ergaygu dalbaday.

Ergaygu wuxuu intaas ku daray in haddii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan ka shaqeyn sidii dalkooda uu nabad ku noqon lahaa aysan shisheeye ama AMISOM aysan dalka u keeni karin nabad iyo deggenaasho.

“Ciidamada AMISOM waxay dalka ka baxayaan Soomaaliya sannad kaddib marka la doorto madaxweynaha cusub ee Somalia 2016-ka, intaas inta ka horreysana looga bahaan yahay dowladda Soomaaliya inay dhisto ciidamadeeda,” ayuu ku daray hadalkiisa danjire Anaadiif.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu xusay in khilaafyada siyaasadeed ee madaxda dowladda Soomaaliya soo dhexgalaya ay caqabad weyn ku yihiin howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya in dalka laga dhigo nabad.

COMMENTS
LINKS