|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Oo Si Kulul U cambaaraynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Wargayska Haatuf;
June 14, 2014 - Written by Editor:War-saxaafadeed HARGEISA(Wajaalenews) ;Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Oo Si Kulul U cambaaraynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Wargayska Haatuf falka anshax xumada ah ee markii-labaad uu kula kacay garsoore Asad Nuur Cilmi Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe. Oo maanta 6/14/14 abaaro 11:40 barqonimo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska haatuf oo ku sugan xarunta maxakamada gobolka maroodi-jeex isagoo ay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Faysal dhagodhago u-lasocday inlagabadalo garsoorihii ay hore udureen iyo in lamudeeyo dacwadii wargeyska iyo masuuliyinta haatuf hore loogu haystay taasi oo uu gudoomiye faysal uu hore uga ogalaaday.
Intaa ka dib gudoomiye gaboobe oo ay wehelinayaan xog-hayaha ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kale ayaa waxa dhacay in garsoore ASAD uu ku amaray in ay qabtaan askarta maxkamada gobollka una dalbaday gaadhigii maxaabiista qaadayay .markii uu xog-hayaha SOLJA uu waydiiyay Sobobta uu marlabaad u xidhayo wuxuu ku jawaabay in xubno wasiiro ah iyo madaxtoyada iyo xeer-ilaalituba ay culays kusaareen in uu si dhakhso ah usoo xidho. Hadaba ururka SOLJA wuxuu cod-dheer ku cambaaraynayaa falalka noocana ee loogu cagajuglayanyo xoriyatal qowlkii ee laguna wiiqayo kalsoonidii umadu ku qabtay maxkamada iyo sharaftii cadaalada dalka waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland in uu si dagdaga usii daayo gudoomiyaha wargeyska haatuf iyo labada xarumeed ee wargeysyada haatuf iyo hubaal .
Xog-hayaha ururka SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Farax
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|