|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga Oo Digniin U Diray Kooxda ISIL Oo Afduubay Diblumaasiyiin Turki Ah.
June 12, 2014 - Written by Wariye:
Kooxda ISIL oo la wareegay gacan ku heynta magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Mosul ayaa gudaha u galay Qunsuliyada Turkiga ku leedahay magaaladaasi, iyagoo qafaashay dhamaan diblumaasiyiintii Turkida ahaa, qoysaskooda iyo waliba tiro ciidamadii illaalineysay Xarunta Qunsuliyada. Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda ISIL ay lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 milyan oo dollar weydiisatay dowlada Turkiga. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Axmed Davutoglu ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay jawaab adag ka bixi doonto hadii wax dhibaato ah loo geysto muwaadiniinta iyo diblumaasiyiinta looga heysto magaalada Mosul. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|