Taxanaha dardaaran xigtada (Qeybta 1aad)Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taxanaha dardaaran xigtada (Qeybta 1aad)Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com.
June 29, 2014 - Written by Wariye:

Arrimaha aan ilmahayga gaarka ah kala hadlayo waa arrimo ay la wadaagan ilmahayga guud; si qoraalku u noqdo mid laga wada faa’iidaysto. Waa qormooyin taxane ah oo aan kula hadli doono qaybo ka mid ah bulshada Sooaaliyeed oo xiriir gooni ah naga dhexeeyo. Qaybahaas  waxaa ugu horreeya ilmahayga oo aan dardaaran waalid oo qoraal ah u jeedin doono; si aan dardaaranku uga dhumin oo aanay u hilmaamin, kuwa aan fahmi karina ay hadhow fursad dambe ugu helaan kolkii caqligoodu kobco. Qoraalkaan wuxuu si gaar ah ugu socdaa, ulana hadlayaa ilmaha iga farcamay, si guudna wuxuu ula hadlayaa ilmahayga aan iga farcamin oo ka wada faa’idaysan doona. Arrimaha aan ilmahayga gaarka ah kala hadlayo waa arrimo ay la wadaagan ilmahayga guud; si qoraalku u  noqdo mid laga wada faa’iidaysto. Waxaa is weydin leh ilmahaan lala dardaarmayo da’doodu waa immisa?. Dardaarankaan wuxuu ku socdaa ilmahayga dhalinyarada ah oo iyagu naftooda uga faa’iidaysan doona, hadhowna ilmohooda uga faa’iidayn doona. Waalid kasta oo doonaya inuu ilmihiisa la dardaarmana qoraaladaan wuu uga faa’iidayn karaa. Waxaan dardaarankayga kusoo bandhigi doonaa (idanka Alle) dardaaranadii nabiyaasha iyo saalixiintu u jeediyeen ubadkooda, iyo wixii kale ee munaasib u ah ilmahayga samankaan nool. Arrimaha aan ka hadlayno waxay taaban doonaan dhinacyo badan oo nolosha ubadkayga ah adduun iyo aakhiroba. Ilamaha waxaan dardaaranka ugu hormariyey arrimaha soo socda awgood: 1- Nabiyada iyo saalixiintii oo ilmohooda la daradaarmay ayaan kaga dayanayaa. Nabiyaashaas waxaa ka mid ahaa: Nabi Ibraahim, Nabi Yacquub iyo Luqmaan. 2- Ilmuhu waxay ugu horreeyaan dadka Ilaahay ina ku amray in aynu naarta ka ilaalino. 3- baahida ilmuhu ay u qabaan dardaaran ay u baxsadaan noloshooda ayaa aad u weyn. 4- Ilmuhu dardaaranka waalidkood aad bay u tixgaliyaan gaar ahaan haddii dardaarankaasi qoranyahay ama waalidku kolkuu dhimanayo dardaarmo. Iyada oo xurmaynta dardaaranka waalidku dad qaarki gaarsiiyo inay fuliyaan dardaaran waalid oo xaaraan ah, sida: aarsiga, isku dirka iwm. 5- waxaan wadada u furayaa culumo, aqoonyahan, waalidiin xikmad badan haya oo ubadkeena wax weyn u faa’iidayn kara. Intaa ka dib waxaan ka codsanayaa waalidiinta sidayda ilmaha dhalay rag iyo dumarba inay ii soo qoraan wixii u muuqda oo ah dardaarano ku habboon ubadkeena, iyaguna ay dardaarano wax ku ool ah u jeediyaan ubadkooda, ayna isku dayaan inay dardaarankooda qoraan. Waa socotaa ….Maqaalka

COMMENTS
LINKS