|
|||||
WAJAALE NEWS
Tababaraha Xulka Ivory Coast oo iscasilay
June 25, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Tababaraha xulka Ivory Coast, Sabri Lamouchi, ayaa shaqada ka tegay kaddib markii ay kooxdiisa usoo bixi wayday wareega labaad ee ciyaaraha koobka adduunka ee Brazil ka socda. Xulka Ivory Coast ayaa waxaa xalay 2-1 kaga badiyay xulka Giriiga, taasoo keentay in guruubkaasi ay kasoo baxaan kooxaha Colombia iyo Giriiga. Tababare Lamouchi ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay guuldaradaasi, uuna u walwalsan yahay ciyaartoyda. Ivory Coast ayaa u baahneyd in ay barbaro oo keliyah la gasho kooxda Giriiga, si ay ugu gudubto wareega 16-ka kooxood. Xulka ayaa u muuqday in uu barbare 1-1 ah ku dhamaysan doono ciyaarta, balse daqiiqadii ugu dambeysay ayaa waxaa rigoore loo dhigay Giriiga, taasoo uu gool u bedelay Georgios Samaras. WAJAALENEWS DESK Related posts:Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Ayaa Si Adag Uga Hadlay Hadalo Lafjab ku ah Qarannimada Somaliland o... Musharraxiin Miisaan Ku Lahaa Xisbiyada Siyaasadda Oo Shuruudihii Buuxin Waayay Oo Komishanku Birta ... Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Kulan Layeeshay Wafti Sare Oo Ka Socday Qar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|