|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland oo olole Cashuur Uruurin ah laga bilaabay dhamaadka June Muxuu daarranyahay Ololaha ku soo beegmay dhamaadka lix biloodkii hore ee sanadku?
June 23, 2014 - Written by Editor:Waraysi Hargeysa(Wajaalenews)-Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), ayaa faahfaahin ka bixiyay Olole Cashuur uruurin ah oo ay ka bilaabeen Gobollada Somaliland, kaasoo lagu uruurinayo Dakhli cashuureedka Xafiiskiisu qaado ee kala duwan. Ololahan oo lagu uruurinayo cashuuraha Macaashal-macaashka, waddo marista Gaadiidka, liisamada wadista Baabuurta iyo noocyada kale ee Cashuuraha, ayaa ku soo aaday xili lagu jiro dhamaadka lix biloodkii hore ee Cashuur uruurinta, taasoo bishii January la bilaabay, isla markaana lix biloodka dambe ay tahay in bisha Jully la gudda galo. “Maalmahan waxaan bilownay olole dar dar gelin ah oo cashuurta lagu uruurinayo, Ololahaasoo la mid ah kuwii caadiga ahaa ee aanu mar walba samayn jirnay, waxaanu ugu sii gogol-xaadhaynaa lix biloodka dambe ee cashuur sanaddeedka”ayuu yidhi Cawad oo la hadlay Gobanimonews. Maxamed Cawad, ayaa sheegay “ Ololahana waxaan uga dan leenahay in dakhliga kor loo qaado, dakhliguna meel fiican ayuu marayaa oo waakaa sanad walba sii kordhaya, dadka reer Somaliland runtii waa dad mawaadiniin ah oo si wanaagsan bay cashuurta u bixiyaan. Waxaanan ku boorinayaa inay Ololahan hada aanu bilownay oo ah mid lagu dar-dar gelinayo Dakhliga waddanka inay iska bixiyaan Cashuurta ku waajibtay”ayuu hadalkiisa raaciyay. Agaasime Cawad, ayaa sidoo kale isagoo sharaxaad ka bixinaya noocyada Cashuurta ay Ololahan lagu qaadaayo, sheegay “ololahan waxaanu ku uruurinaynayaa cashuurihii Berrigu qaadi jiray ee caadiga ahaa, waxaana ka mid ah Cashuurta Macaashal macaashka, cashuurta Liisamada iyo waddo marista gaadiidka, kala wareejimaha iyo wixii la hal maala, markaa hawshu si fiican ayay u socotaa”. Waxa uu intaasi ku daray “sida laga war qabo lix biloodkii hore ee sanadku waa gabogabo, lix biloodka dambena wuxuu bilaabmayaa bisha Jully, kolkaa Ololahani waa mid gogol xaadh ah. Waxaanan rajeynayaa inuu sidii aanu ugu talo-galnay uu ku socdo. Dhamaan shaqaalaha xafiisyada Goboladda iyo Ciidanka amniga ee nala shaqeynayaana waxay heegan ugu jiraan siday bulshada ugu adeegi lahaayeen. Iyadoo sida aad arkaysaana meelaha qaar Baabuurta aan cashuurnayn lagu qabanayo waddooyinka oo aniga laftaydu mar walba kormeer ayaan sameeyaa, si aan ugu kuur galo hawsha socota”ayuu yidhi. Dhinaca kale, Ololahan oo ay Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka iyo kuwa bilayska ee Wasaaradda Maaliyadda la shaqeeyaa ka qayb-qaadanayaan, ayaa Magaalada Hargeysa Gaadiidka aan cashuurnayn ama wadeyaashoodu Liisamada cashuuran laga qabqabanayaa Waddooyinka, iyadoo ay ciidanku ku xidhayaan Saldhigyada Bilayska. Isku dheeli-tir la’aan Inkasta oo ay muuqato inay Hay’addaha Dakhli uruurinta Somaliland mar walba dedaal ugu jiraan sidii Cashuuraha dawladdu u soo xaroon lahaayeen wakhtiga loogu talo galay, hadana waxa xaqiiqo ah in sanad walba dakhli fara badan oo cashuur ahi baaqdo, isla markaana taasi ay saameyn ku yeelato Miisaaniyada dawladda. Waxaana taasi sabab u ah arrimo badan oo ay ka mid yihiin, Dadweynaha oo aanay qaarkood cashuurta ku waajibtay iska bixin, sida doontaba haku dhacdee iyo isku dheelitir la’aan ka timaada xadiga dakhli cashuureedka dawladdu qoondayso. Saleban Cabdi Cali Gobanimonews Hargeysa Office Email: curad1986@hotmail.com Related posts:Madaxwaynihii Ugu Horeeyay Ee Madaw Ah Dalka Koonfur Afrika Oo Geeriyooday Iyo Halyey Ka Baxay Qaara... Somaliland:Isbarbardhiga Lagu Samayn Jirey Trump Iyo Biixi Waayadii Uu Ololaha Madaxweynaha Kujirey ... Xaalada Abaareed ee Ka Jirta Gobolka Gabilay+Xaaladooda Caafimaad Oo Adag+Geediga Dhimashada Duunyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|