SOMALILAND: MAXAA HOWL INOO QABYO AH(Asxaabta Siyaasada iyo Qabyada Taagan)!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND: MAXAA HOWL INOO QABYO AH(Asxaabta Siyaasada iyo Qabyada Taagan)!!!
June 18, 2014 - Written by Editor:

………Habar habartan loo kala bixiyo, hiririgtii yeedhey,

Harqadihii gidaarada la sudhey, dumarkii heesaayey,

Hadafbaa dhismaha baarlamaan lagu hubeeyaaye,

Hadbana shicibku siduu yahaa, lagu hogaanshaaye,

Hanaankii wax lagu dooran jirey, weli ma heysaane,……

(Gabyaa: C/llaahi Suldaan Max’ed-Timacade-Gabeygii-Hadaf- 1964kii).

Ugu horeyn nidaamka asxaabta siyaasadu waxay Afrikaba kaga yimaadeen debeda gaar ahaan wadamadii reer Yurub ee gumeystey guud ahaan qaarada Afrika. Waxay inta badan si buuxda u soo shaac baxeen markii dadweynaha reer Afrika sida weyn ugu guntadeen meel-marinta dhadhaqaaqyadii gobonimodoonka ee gumeystayaashii reer Yurub lagala hortagey. Maba sii fogeyn ee waa bilowgii kontomeeyadii (1950s). Waxaa keliya inta la ogyahey muddadan ka horeeyey dalka Libeeriya oo taariikhdu sheegto in nidaamka asxaabta siyaasadu ka jireen ka hor qarnigii 20aad (1860s).

Soomaalidu kala mid ayey aheyd taariikhda iyo ujeedada ku lamaaneyd ee hindisa asxaabta siyaasada. Haddaba, hindisahaasi markii uu bilowdeyba guud ahaan Afrika, dhaqdhaqaaqyadii gobonimo-doon ee jirey oo inta badan facii aqoonyahanka reer Afrika ugu horeeyey oo curdin u badnaa horkacaayey, iskuma-taxalujin waafajinta sidii ay u daba-khi lahaayeen shuruudaha ay leeyihiin asxaabta siyaasada ee reer Yurub inoogu keeneen tahriibta iyo dhaqanka gaar ahaan deegaamada magaalooyinka oo koobnaa markaasi.

Run ahaantii, dadyowga Afrika wey ku howshoodeen meel-marinta arrintani si dhab ah in ay ula-qabsadaan sii wadida geediga nidaamkani waana mida keentey gedoonka ku dhacey nidaamkani muddo yar ka dib wakhtigii wadamo badan ay gobonimda hantiyeen qaaradeenan Afrika. Kama madhneyn ku lug lahaanshaha is-heyntii weyneyd ee galbeedka iyo barigu (dagaalkii qaboobaa). Soomaaliduna si joogto ah oo xowli ah ayey uga mid aheyd jahawareerkani dhaxalkeediina waxaa uu noqdey dhagaro shicibka loo geysto, burbur mug leh oo wadanka sameeyey, barakac balaadhan, iyo amaan daro weli si weyn uga jirta mid ka mid ah labadii gobol ee gobanimadii uun isu-raacey 1960kii.

Bal aynu wax yar dhugano tuducyo kale sida farshaxanka leh ee gabeygii Hadaf AHUN Gabyaa Timacade 1964kii ugu ladhey guuldaradaas siyaasiga aheyd:-

 …..Hayaay iyo tollaay ragannimaa, kaga habsaanteene,

Waa waxa halkaa idin dhigaye, la hinqan weydeene,

Hadday taladu kuu muuqatoon, lagula haaneedin,

Hibasho waxay kugu tartaa, huq iyo ciile,

Annuun baa hanganayee wanaag, uma hilowdaane,

Ka dib markii in badani oo reer Afrika ah way ka soo doogeen; rabshado joogto noqdey, inqilaab military oo kooxiba koox la dabo-joogtey, iyo khilaafyo siyaasi ahaa oo muddo jiitameyey, bilowgii 1990kii ayuuna isla fikirkii asxaabta badani dib uga soo cuboonaadey qaarada Afrika. Muddadani waxaa si weyn ugu biiraayey facyo is-dabo-joogey oo reer Afrika ayna reer galbeedku daaha dabadiisa ka hagayeen iyo hoos-u-dhac weyn oo ku socdey dhinacii kale ee bariga intii u dhexeyse 1970dii-illaa-1980kii. Sidani ayaa weli howshu ugu furan tahey reer Afrika waayo, maba ay helin wakhti ay si buuxda ugu lafo-guraan nidaamkani iyo sida ugu haboon ee uu ula jaan-qaadi karo dhaqanka, caadooyinka, caqiidooyinka kala duwan, iyo waafajinta bii’ada dhul-weynaha ay u dhasheen ee qaarada Afrika.

Haddaba, Somaliland wakhtigan aynu joogno waa la wadaagta walaalaha reer Afrika geedi-socodka jahawareerkani ee habka TALO-WADAAGA-Democracy-, su’aashuna waxaa weeyi maxaa isbedel la tabaan karo aynu gaadhney muddada laba iyo sannadood ah ee aynu ku dhaqmeyney NIDAAMKA ASXAABTA BADAN (2002-2014).

 Ficlan, wey jiraan guulo la sameeyey sida; in muwaadiniintu si xor ah u cod bixiyaan xilliga doorashooyinka, in wada-hadal lagu dhameeyo inta badan khilaafyada siyaasiga ah, isku-kalsooni shacabku dhaxley ka dib samir dheer iyo geedi-socodka in dib-loo-sameeyo dowladnimo loo dhan yahey misna howshiisa lahaa, iyo biseylka dadku gaadhey inta badan ee in aan lagu deg-degin ku lug-lahaanshaha rabshadaha gacan-ka-hadalka leh  gaar ahaan xiisadaha siyaasiga ah.

 Haddiiba intaasi oo guulo la taaban karo ahi ay jirto, ma jirtaa saaxad hano-qaadey oo aynu taaban karno kana dhaxalney nidaamka tobanka sanno baarka jarey ee HABKA ASXAABTA BADAN?

 Akhriste, si fudud ha u majiiran jawaabta su’aashan balse maskaxda u fur oo ka fiirso weliba u kuurgal intii garaadkeenu saamaxo sidii jawaab waafiya aynu ugu tiirin laheyn su’aashani oo laf-dhabar u ah sii joogteynta si togan oo aynu guulo kale oo hor leh uga gaadhi laheyn (KU DHAQANKA HABKA ASXAABTA BADAN EE NIDAAMKA TALO-WADAAGA AH-Democracy-)!!!!!!.

 Bal mar kale aynu jaleecno tuducyo isla gabeygii Hadaf ee AHUN Gabyaa Timacade:-

 …..Wakhtigeynu haloosiney xornimo, in aynu soo hoyno,

Hurdadii markii laga kacey, huguntey ay reentey,

Markii loo hanjabey gaaladii, Herer mushaaxeysey,

Heeryada gumeysiga markii, haraga loo tuurey,

Heyb heyb haddey tahoo, laysu soo hirarinin,

Ama aynaan hufneyn dowladnimo, ma hungureyneyneene,

Heydaaradii loo mariyo, halasahaan jiidhney,

Hadhbaa calanka laga soo dhacsadey, haddiyad ma aheyne,

Waxaad hiigsataba maalinbaad, soo hirgalisaaye,

Hinjiyoo adduunyada waxaa, ka hadha taariikhe,

Ka habowdey soomaalidaay, hilinkii toosnaaye,…

Runtii, waa maya balse weynu sameyn karnaa haddiiba aynu si quman, degan, naf-hurid ah, isla markaana mustaqbalka jiilasheena dambe iyo aayaha dalkeena qiimeyn siino WAANA MIDII LOO DHINTEY, BARO-KACEY, ISLA MARKAANA NAFTA LOOGU HUREY CAHDIGII HALKANKA XORRIYADA EE URRURKII DHAQDHAQAAQA WADANIGA SOOMAALIYEED (SNM) LA GELEY NIDAAMKII KELIDII TALISKAA AHAA.

 Gebo-gabadii, waxaynu u baahanahey in aynu si mug leh u qeexno oo ficil ahaan u dabakhno arrimaha hoos ku xusan oo muhiim u ah hirgelinta nidaamka aynu cuganey ee TALO-WADAAGA AH-Democracy-:-

Hirgelinta nidaamka asxaabta ee dhabta ah oo leh xeer, qorshe hufan, arragti rasmi oo siyaasiyan qeexan, ku dhaqanka iyo meel-marinta xeerarka xisbiga siyaasiga ah iyo kuwani dowliga ah ee dalka u dejisan, iyo illaalinta ku dhaqanka dastuurka iyo kobcinta jiritaankooda si joogto ah.

 In ay asxaabtu noqdaan qaar si dhameystiran u jira oo aan khayaal aheyn misna aan si qaldan dadka loo gelin. Akhriste bal isbar-bardhig ku samee shantii doorasho ee aynu soo marney??? Runtii, si fudud ayaad u arkeysaa in aaney midina mid la muuqaal aheyn dhinac walba; milanka qabyaalada, ku dhaqan la’aanta heshiisyada siyaasiga ah, adeecid la’aanta isla asxaabta qudhooda ee xeerarka u dejisan doorashooyinka iyo kani geedi-socodka siyaasiga ah ee looga baahan yahey korintiisa, IWM. Midiba mida ay ka horeysey ayey uga dhoweyd ku sifeynta DOORASHO XALAAL AH. Waa haddii aynu jecelnahey in aynu xaqiiqda dhabta ah sheegno!!!!!!! Kii diidayow adiga ayey ku jirtaa khayaalka aad isu haweyneyso!!!!!!!!

 

  • In geedi-socodka nidaamka siyaasiga ah ee aynu cuganey ka xoroobo ku tiirsanaanta DAWARO U RAADINTA LA QABATIMEY ee shisheeyaha (75% kharashka doorashooyinkeena ayeynu ku yeedhineynaa). Yaab weeyi, ummad ayaaheedii uu dibad-yaal iyo in loo raadiyo yabooh dhaqaale  oo joogto ah tiir-dhexaad u yahey.

 

  • In isbedel deg-deg ah lagu sameeyo Dowladnimadeena SIYAASIYAN QURBOJOOGA AH. Bal u fiirso axsaabtii siyaasadu iyaga oo aan gudaha dalkaba ka jirin marka laga reebo xubno kooban oo xillal ku magcaaban isla markaana hudheelada shirar jaraa’id ku qabta kuna yoo-yootama maalin walba, ayey galbeedka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika uga matalaan maamulo iyo gole-yaal dhexe oo is-hirdiyaaya si maalinle ah kuwani oo QABYAALADUNA KU FOG TAHEY SI QAAWAN!!!!!!!! Haddiiba aynu ku qanacsanahey, maxeynu madaxtooyada iyo haggida maamulka hay’adaha kala duwan ee dowliga ahna ugu wareejin weyney QURBAHA????

 

  • Dhameystirka hirgelinta hay’adaha kala duwan ee dowliga ah, siyaasiyan, howl-qabad ahaan, fidinta, tayeynta iyo daa-dajinta nidaamka dowliga ah, iyo in la daba-kho akhlaaqda xirfadlanimo iyo dareenka waddaniga ah IWM.

 

  • Ku dhaqanka hadba inta shuruuc inoo diyaar ah; dhinac maamul, dhinac siyaasadeed, dhinac maaliyadeed, iyo dhowrida wadajirka ummada iyo dalka Somaliland guud ahaan.

 

  • Dejinta, meel-marinta, iyo dhaqanka dhamaan wixii xeerar qabyo ah, ama kala dhantaalan, ama aan laba diyaarin si deg-deg ah. Waa in shacabku u dhug yeesho meel-marinta waajibaadkani inta aan la gaadhin xilliga doorashada sannada dambe.

 

  • In laga fogaado wax kasta oo u muuqan kara talo-maroorsi, awooda oo six un loo isticmaalo, iyo isku-milan dhexmara ama ku yimaada awoodaha dastuurku kala xadeeyey; awoodani fulinta, midani xeer-dejinta, iyo tani garsoorka ee kala madax-banaan.

 

  • In laga fogaado wax kasta oo u muuqan kara ku dayasho aan habooneyn; sida xoojinta awoodaha aan dastuuriga aheyn ee urrurada bulshada rayidka ah, kuwani lagu awoodeynayo haweenka si khaldan, kuwa dhallinyarada lagu majaro habaabinaayo, kuwani diiniga ah, iyo kuwani dhaqanka ah ee kala aragtida ah isla markaana cunfiga qabyaalada salka ku haya.

  

Gunaanad, MAXAA HOWL INOO QABYO AH welina u baahan tukubin, kobcin, iyo meel-marinta hababka kala duwan ee maamul oo ay inooga baahan yihiin!!!!!!!

 

Qalinkii:Mustafe Suleymaan Cilmi (Cajuul),

Hargeysa, Somaliland.

 Cell phone: 00 252 (0) 63 4137470.

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS