Somaliland: MAXAA HOWL INOO QABYO AH???? Astaamaha Hogaamiyaha Toosan!!!!!!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: MAXAA HOWL INOO QABYO AH???? Astaamaha Hogaamiyaha Toosan!!!!!!!!!
June 25, 2014 - Written by Editor:

Astaamaha Hogaamiyaha Toosan!!!!!!!!!

 ……Marka aad nin himiladaa,

Hilin toosan mariyoo,

Hir markii la gaadhaba,

Ku labaad hilaadshoo,

Haga maatidiisoo,

La hiigsado dhashaabaa,

Hooyo lagu xasuustaa…………………….

 

(Gabyaa M. I. Warsame-Hadraawi-Heestii Hooyo-)

Meel-marinta geediga gobanimada ayaa ah mid ay wadamada dunidu si weyn ugu kala horeeyaan. Waxaa hubaal ah in ay arrimo dhowr ahi qeyb weyn ka leeyihiin meel-marka geediga gobanimada ee lagu kala hormarey; hanashada hogaanka ummada ee habeen dhaladyo iska dhaxla si joogto ah, agaasim joogto ah dhinac walba (dhaqaale, bulsho, kobcinta aqoonta, barbaarinta jiilka mustaqbalka IWM) oo ay ummada hesho, u bisleynta dowladnimada oo bulshada lagu dhaqo IWM. Haddaba, maxaa ka dhiman tani soomaalida guud ahaan gaar ahaan midani reer Somaliland. Runtii, ma jecli in aan fikirkeyga mutuxan ku dabakho falanqeynta qadiyadani balse waa mid inooga baahan ummad ahaan in aynu u kuur-galno si dhab ah misna cilmiyeysan???? Akhrite bal dha-dhami nuxurka midhaha tuducyo Abwaan Soomaaliyeed si farshaxan leh u tiraabey haldoorka dhabta ee hogaaminta ummadu u baahan tahey siduu ugu horseedo geediga horumarka:-

………Ninka deyrtan maanta ah

U darraystay madaxnimo

Uba diidi maynnee,

Horta mee dadkii iyo

Dalkii uu xukumi laa?

Nin la yidhi na daadihi

Haddii layska dabo galo

Oon doohba cidi odhan

Damac waayi maayee,

Maxaa ii dammaanad ah

Haddaan Dahabo bixiyaba,

Inaan lagu durdurinayn?

Maxaa ii dammaanad ah

Damman wayska huruddaa

Xeerka loo dejinayiyo

Inaan qalinka lagu dagin?

Maxaa ii dammaanad ah

In dastuurka qiil jiro

Markay damacdo lagu furo?

Maxaa ii dammaanad ah

Nin doonaa ha mehershee

Inuu daacad yahayoo

Ajeenda u dahsoonayn?

Maxaa ii dammaanad ah

Qaran dumay inuu yahay

Nin daluun ka bixin kara?

Maxaa ii dammaanad ah

Dabka inuu ka dhigi karo

Dabatadu ka siman tahay?

Ma deggena badweyntuye,

Maxaa ii dammaanad ah

Duufaan hadduu kaco

Inuu doonni noqon karo,

Seebab lagu dabaasho leh?

    

(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye-Maansadii Dabo-taxan-1997kii)

 

Waxaa hubaal ah in bulshana guul aaney gaadheyn haddiiba hormuudku ka qayirmo, geediga gobanimadu ka dhantaalmo, ama murug cunfi leh isku gadaamo mar walba nidaamka dowladnimada!!!! Waxa keliya ee bulshadani hubaal dhaxleysaa waa dib-u-dhac, guul-daro miisaan leh, iyo qeyrkeed oo ay ka hadho!!!!!!!!  Kaba sii daran marka ummadu qabyaalad qalbigeeda ku qaayibto sida soomaalida oo hagardaamooyin weyn xilliyo kala duwan kala kulantey hogaan qaloocdey oo qabiil dabada galiyey si uu isku difaaco!!!!!!! Waa yaab iyo amakaag ummad qabatintey in godkii shaley lagu qaniiney ay maantana ku socoto waaba sida inoo caado ah iyada oo weliba aynu ka mid  nahey dunida inta Illaahey nasiibka u siiyey in ay garato iimaanka qaaliga ah ( a Muslim society)!!!!

 

Haddaba waa kuwee sifooyinka laga rabo habeen-dhaladka hogaaminta ku haboon????????? Aan idiin soo koobo muxaadiro Sh. Mustafe X. Ismaaciil TV ka jeedinayey maalin dhoweyd goor subax ah……runtii iyada oo socota ayaan la kulmey gurigeyga mana helin wakhti aan ku dhameysto……..Waxaan ka qaatey nuxurka Sh. Mustafe ka hadlaayey…… isaga oo tixraacayey daraasado uu akhriyey……Waa tani:-

 

Khamiis, 23kii Janaayo, 2014ka:

 

Sifooyinka hogaamiyaha:

  1. a.       In uu daacad yahey (Should be an honest person).
  2. b.      In uu leeyahey aragti fog oo hogaamineed (Should have a vision).
  3. c.       In uu yahey mid karti howl-qabad leh (Should be a competent person).
  4. d.      In uu yahey mid leh xirfad hanuunineed (Should be inspirational).
  5. e.       In uu yahey mid Garaad taam ah leh (Should be an intelligent).   
  6. f.        Fadlan waxaad akhridaa maqaalad qaali ah oo toddobaadkani uu Md. Aadam Muuse Jibriil si cilmiyeysan ugu lafo-gurey arrintani: “Geeddi-Socodka Dimuqradiyada Somaliland,Iyo Baahida Aragti Hormood Ah Oo Hoggaamisa? Qaybta Kowaad Qoraa Aadam Muuse JibriiL”.

 Bal u fiirso oo ma yihiin sifooyinkani qaar aynu is-weydiino ama xasuusteena ku soo maaxa marka aynu dooraneyno hogaanka dalka, howl-wadeenada dowladnimada ee kala duwan, iyo guddoonka urrurada bulshada IWM???  Waxaa kale oo qeyb ka ah qodobkani halkee, masalahee, ama qaabkee ayuu hogaankani habooni u soo mari karaa hogaanka dalka…waa su’aal ku lamaan ama laba qodob oo si isku lamaan looga faaloon karo?????? Waa mid waafaqsan habka aynu cuganey ee nidaamka asxaabta badan oo lagu talaaley intii suurto-gal midkani dhaqankeena caqiidada weyn ku aroora…….ma sameyney geedi-socodkani??????? Xaasha’eh uma aynu dhaqaaqin ismana weydiino marka aynu saarka siyaasada u jibeysanahey!!!!!!! Akriste haddiiba aad jawaabtaadu HAA TAHEY: MA SUURTO-GALINEY; MEEL-MARINTA AASAASKA U AH IYO HIRGELINTA NIDAAMKA XISBIYADA BADAN SI AYNU UGU NAALOONO DOWLAD TAYO LEH, MAAMUL HUFAN LAGU HAGO, ISLA MARKAANA QEYBTEEDA KA YEELATA XOWLAL CAALAMKA JOOGTAGA AH????  Waa sida aynu jecelnahey in aynu gaadhno weliba si deg-deg ah!!!!!

Maxaa maanta haboon si aynu uga baaqsano qaran-jab mar kale Illaahey inaguma keeno eh????? Waxaa mar walba jira taariikhaha ummadaha naftood-hurayaal wakhtigoodii, noloshoodii, iyo maskaxdoodiiba u hurey hirgelinta yag-leelka dowladnimada cahdigani cusub kuwii horeba. Somaliland waa la wadaagtaa taariikhda noocaasi ah oo way leedahey xilliyo kala duwan kuwaasi oo leh musheekh, salaadiin, odayaal waxgarad ah, haween, aqoonyahan, saraakiil, dagaalyahano, ganacsato iyo qaar kale oo badan. Waa midani  ta suurto-galisey tacabka midhihiisa aynu maanta guraneyno oo fulintiisa iyo ku adkaantiisa la joogteeyo sida aynu kaga baaqsan karnaa mushkilad hagardaamo weyn leh oo ina qabsata-Illaahey inaguma keeno-Amiin-!!!!

Aan ku soo urruriyo maqaalkan, WAA KUMA HOGAAMIYAHA TOOSAN EE MAANTA AYNU KAGA BADBAADI KARNAA QALALAASE HOR LEH OO DIB INOO CELIYA (ALLE INAGUMA KEENO EH)…….HALKEESE U SOO MARI KARAA SAAXADA HOGAAMINTA MARKA LOO EEGO SIDA XISBIYADU U HAGAASEEN???????? Waxaa markhaati ma doon ah in aynu gebi ahaanba isu baheysaney sidii ISKAASHATADII CAAN BAXDEY EE CAH-DIGII KACAANKA KELIDII-TALIYAYAAL HORE- waa UJEEDO BADAN EH-(Sheeko xariirtii laga sameeyey wadcigii xilligaasi ee dadku isugu fasiri jirey waayaha siyaasiga ah). Dhamaan waxaa loo ordayaa hogaan qabashada si kooxeysan oo weliba qabiileysan laba qodob oo dunidu ay uga maarmi weydey hirgelinta toosan ee dowladnimada:-

Habeynta iyo illaalinta dhaqaalaha ummada

Hanashada Awooda maamulka dowladnimo.

 

Gunaanad: waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkani in aynu hogaankeena ku miisaano mar walba mid la kulma sifooyinkaasi wanaagsan ee aynu halkakan ku tiraabney iyo in badan oo kale ………..Markaasi ayeynu salka ka degeynaa siyaasiyan waxna ku soo kordhin karnaa dunida inteeda kale “Somaliland Allow dhowr…..Allow dhowr-Amiin…”.

 

Qalinkii:

 

Mustafe Suleymaan Cilmi (Cajuul),

Hargeysa, Somaliland.

Cell: 00252 (0) 63 4137470.

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS