Somaliland Maku Adkasan Doontaa Go,aanka ay ka Qaadatay Arimaha Gobolka Sool;? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Maku Adkasan Doontaa Go,aanka ay ka Qaadatay Arimaha Gobolka Sool;?
June 17, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Madaxwaynaha somaliland axmed maxamed siilaanyo ayaa maalintii shalay ahayd iskugu yeedhay golayaasha qaranka ,asxaabta qaran kuwaasi oo kulan ka dhacay madaxtooada kadib iswadajir ah ula hadlay warbaahinta islamarkana ku dhawaaqay in ay somaliland diyaar u tahay waxkasta oo ay kusugayso xuduudaheeda ,haday tahay dagaal iyo hadii ay tahay maamul fidinba,

Hadaba arinta isku imaanta goloyaasha qaranka oo mudooyinkan danbe kala aragti fogaa ayay arinta taleex markaliya midaysay.waxayna  ka dhalatay kadib markii beesha calamku oo ay hormood kayihiin dawladaha Maraykanka.ingiriiska ku baaqeen in somaliland ciidamadeeda kala baxdo gobolada sool iyo sanaagba, laba cisho kadib markii ciidamada somaliland tageen magaalada taleex oo lagu abaabulayay shirka dhan ah qaranimada somaliland kaasi oo ay dadaba ka wadaan somaliland diid uu horkacayo cali khalif galaydh oo ah mudane ka tirsan dawlada taagta daran ee katalisa qaybo kamida magaalada muqdisho,

Ciidamada somaliland ayaa magaalada taleex galay laba jeer iyadoo markii hore sidegdega ay uga soo baxeen kadib cadaadis kaga yimid xaga caalamka. sidaa si lamida  ayay hadana loogu baaqay in ay kabaxaan taleex lakiin arintaa waxa ka biyo diiday wasiirka arimaha dibada somaliland maxamed biixi yoonis oo si diblamaasiyad ku dheehan tahay ugu jawaabay wadamadii ku dhawaaqay in ay ciidamada somaliland dib ugu laabtaan fadhiisimadoodii,

Su,aashu waxay tahay xukuumada somaliland ma ku adkaysan doontaa go,aanka ay ka qaadatay xaalada colaadeed, mise waxay fulindoontaa amarada reer galbeedka iyagoo ka tagaya wax ay aq uleeyihiin xuduudaha dalkana qabashadiisa u daba fadhiisana cidkale

Dhinaca kale mudadii uu xilka hayay madaxwayne siilaanyo ayaa marwalba wuxuu ku baaqay gogol nabadeed taasi oo aan wali wax midha dhala gala gaadhin, xaga malaayiin dollar lagu kharasha gareeyay

xubno aan waxba soo kordhin’

Xaga maamulka ayaa mudo toban sano ah ku dhaw oo ay ciidamada somaliland joogeen gobolka sool aanay soo kordhin wax maamul fidina ma hal magaalo oo ay sifiican looga dhisay maamul somaliland u daacada, marka laga reebo magaalada laascanood o xiligii daahir riyaale qacanta lagu qabtay,

Bulshada somaliland ayaa u dhag taagaysa halka uu ku danbaydoono go,aanka ay qaateen masuuliiinta dalka ugu saraysa iyo waliba halka ay ku danbayso xaalada taleex oo noqotay meel lagu soo maleego shirqoolada somaliland ka dhan ah,

 

WAJAALENEWS DESK

KADHIIBO FIKIRKAAGA WAANA MUHIIM AKHRISTE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS