Somaliland: Inta Maanku Gaajeysan Yahey Guuli Waa Weli!!! Runeey lagu neceb; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Inta Maanku Gaajeysan Yahey Guuli Waa Weli!!! Runeey lagu neceb;
June 14, 2014 - Written by Editor:

Lagu rookee;

Layska kaa reeb;

Ristaad daaqdaba

Lagu raad-goob.

Fule kaa roor;

Ruxrux-doon iyo

Ra’iis daalin ah,

Midna kuma rabo.

(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye maansadii Runeey lagu neceb 1984).

Yaab iyo amakaag ayaa kugu keliyeysanaaya mar qudha marka aad si dhab ugu kuurgasho waayacaha iyo siyaabaha kala duwan ee bulshadeenu u cabireyso weliba siyaabo aad iyo aad u kala fog mararka qaarkood. Waa dhaleeceyn talax-tag ah ama buun-buunin xad-dhaaf ah!!!!!!!! Inta badan waxaa labada aragtiyood ku ladhan koox jecleysi(qof) ama koox necbeysi (qof) mid uun. Waa labada sababood ee luminaya cabirida waayaha si dheeli-tiran, oo aan eex laheyn.

Waxaa lama huraan ah, in si dhab ah, oo cilmiyeysan, dheelitiran, isla markaana waaqici ah loo sifeeyo waayaha nolosha, dhaqaalaha, iyo dhinac kasta oo danta guud ah. Tani waxay fudeydineysaa in si quman loo waajaho arrin kasta oo soo korodha mar walba. Runtii soomaalidii hore waa ay ku sifoobi jireen inta badan iyaga oo kala illaalin jirey fikirkooda mutuxan ee sakhsiga ah iyo meeleynta min-qiyaas hufan, dhisan oo ku saleysan aragti fog dhinac bulsho, nololeed, dhaqan, nabadgelyo, IWM. Bal u fiirso tixdan sugaaneed:-

Wallee qalin-daraalaha,

Dambi qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada.

Wallee qoonta mililka leh

Qaarka sare ma dhaydhayo.

(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye maansadii Qasab kuma balweyn karo 1978)

Dowladnimadu ma aha keliya in aad hadba dhinaca aad ka joogto si darjiidh ah u amaanto, ma aha keliya in daaro la ranjiyeeyo, in la dhiso, iyo in la sameeyo indho-sarcaadyo kale……waxaa ka horeysa hirgelinta iyo ku dhaqanka qawaaniin dowli ah (dastuurka iyo xeerarka dowliga ah), diyaarinta siyaasado qaran oo qeexan (aragti dowlig ah oo ka turjumeysa mowduuca ay khuseyso-national policies-) iyo fulinta nidaam maamul oo hufan si joogto ah (application of efficient public administration system)!!!! Asxaab siyaasadeed oo si dhab ah u hirgashaa ayaa suurto-gelisa fulinta dowladnimo ay dadku ku qancaan adeegeeda mar walba. Ma aha macmalka iyo khayaalka aynu saaxadeena siyaasada ku talaalney mid meel-mar noqon doonta balse waa hadimo hor leh oo aynu mustaqbalkeena ku milney.

Kuweenu waa xeryo reero ama qabiil waaney ka fog yihiin sidii laga filaayey nidaamka asxaabta badan iyo midho-dhalka laga helo. Runtii asxaab hirgashey ayaa sababa oo keena dowlad tayo leh, hufan, dhisan, xul ah, isla markaana wax-qabadkeedu dhab yahey. Maxaa aynu guul iyo guul-daro kala kulaney kow-iyo-toban sanno oo nidaamka asxaabta badan ku soo jirney (2002-2013)??????? Waa suaal u baahan jawaab waafi ah oo in si cilmiyeysan looga baaraan dego mudan!!!!!!! Waxaa xaqiiq ah in aqoon, karti, iyo imkaaniyaadkii kale in badan aynu leenahey sidii loo sameyn lahaa nidaamka dhabta ee asxaabta badan balse uma aynu hagar bixin isla markaana waa la qaldey geedi-socodkii koriinkoodu uu mari lahaa muddada dheer ee aynu soo dhex jibaaxney habka asxaabta badan !!!!!!!!!!

Alle weger waxaa belo dhigteen, waa ka waasacane!

Niksan wayla sahal ceeb haddaad, ka werweraysaane,

Qirta wootar-gaytyadu ka badan, taydin weriseene!

(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye-Waatergate 1977).

 

Fulinta maamulka dowliga ah oo hufan waxaa uu suugto-geliyaa in lagu naaleedo dowladnimo fiican oo dadkeedu u bogaan (an application of public administrative law througly). Waxaa kale oo lama huraan ah illaalinta ku dhaqanka dastuurka, xeerarka dowliga ah, adeecida qawaaniinta, la xisaabtanka iyo hufnaanta guud ahaan adeega dowladnimo heer kasta, derajo walba, iyo meel marinteeda si loo siman yahey. Runtii guushu waxay imaneysaa marka dhamaan wadajir loogu hagar-baxo iyada oo hogaanka dowladnimadu yahey kani masuuliyada koowaad leh ee ummada hagaya!!!!!!!!!

Nidaamka dowladnimadu ee dastuurku jideeyay ayaa ah midkani la rabo in la illaaliyo, la meel-mariyo, iyo in laga xaqsooro dhamaan arrimaha hab-maamulka dowliga ah (Abiding of the administrative law principles accordingly). Waxaa loo jeedaa kala illaalinta in milan ka dhex yimaado awoodaha kala qeexan ee dastuurka ku xusan; Waaxda Fulinta, tani Garsoorka, iyo midani Xeer-dejinta. Ma yihiin hay’adaha kale ee madaxa banaani qaar leh oo si kalsooni leh u gudanaaya waajibaadka dastruuku ama xeerarka dowladnimo siiyeen!!!!!!!!!!! Bal aan fiirino farshaxanka maansadani:-

…………..Waxa maanta ii daran,

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii,

Noo dallaalimeeyoo,

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin,

Qaran aan ahayn dulin,

Nabad-doonka beeshiyo,

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo,

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara,

Aan iiga sii darin;

Qaran gudaha daafaca,

Dibeddana aqoonsi leh.

Isku soo dabaal oo

Waxaan doonayaa qaran,

Qaran dhaama kii dumay…….

(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye-Maansadii Dabataxan 1997).

Gebo-gabadii, waxaa waajib ah hirgelinta nidaamka dowliga ah ee aynu yag-leelney si toosan, hufan, isla markaana waafaqsan nidaamka dimoqraadiga ah ee aynu culaney. Habkani waxaa uu inta badan suurto-gelinaaya is-aaminaad iyo wax-wada lahaansho dadka dhexmara balse u baahan in si mug weyn loo waafajiyo dhaqankeena iyo caqiidada aynu aaminsanahey waana arrin u baahan naf-hur dhab ah oo xeel-dheerayaasheena aqoontu ku sameeyaan meel-marintiisa (integrating the democracy system into our Somali culture and its belief).

Gunaanad, bal aynu isweydiino in asxaabteena siyaasadu yihiin kuwo tusmeynaya meel-marinta himiladaasi???? Ma inoo horseedayaan wadadii guushaa lagu gaadhi lahaa???? Isku-soo-duub oo ma ku foogan yihiin hirgelinta qaranimo dhameystiran oo ku saleysan cadaalad loo siman yahey sida sharcigu jideeyey? Waxaan jawaabaha u dhaafayaa akhristayaasha sharafta leh ee maqaalkani kooban.

Qalinkii:

Mustafe Suleyman Cilmi (Cajuul),

Hargeysa, Somaliland.

Cell phone: 00 252 (0) 63 4137470

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS