|
|||||
WAJAALE NEWS
Sirdoonka Maraykanka oo Soo Bandhigay Dhalinyaradii Ugu Badneyd ee Soomaaliyeed Oo Ku biiray Dagaalka Siiriya
June 13, 2014 - Written by Editor:Washington(Wajaalenews) Hay’adda FBI,da Maraykanka ayaa mar kale sheegtay in in ka badan 10 dhalinyaro Soomaali ah oo Maraykanka ku noolaa inay u safreen wadanka Syria iyaguu ku biiray kooxaha u dagaalama Al-Qacidada dagaalka kula jirta dawlada Syria ee uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad. Afhayeenka xafiiska FBI,du ku leedahay Minneapolis Kyle Loven, ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in illaa iyo 15 ruux oo Soomaali ah ay bilihii lasoo dhaafay ka tageen wadanka Maraykanka iyagoo u kicitimay dalka Turkiga kadibna ay uga sii gudbeen dhanka dalka Syria iyagoo ku biiray ururka Al-Qacida qeybta ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq. Kyle Loven, waxaa uu xusay in xogta ay hayaan ay sheegeyso in dhalinyarada Soomaali Maraykanka ah ee Al-Qacida ku biiray ay dagaalka ku jiraan iyagoo ka bar bar safan dagaalamayaasha Al-Qacida ee doonaya inay xoog xukunka uga tuuraan dawlada Syria. Sarkaalkaan FBI,da Maraykanka u hadlay waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay hadda wadaa baaris ay ku doonayaan inay ku ogaadaan cidda dhalinyarada Soomaaliyeed ku dhiiri galisa ku biiritaanka ururada Al-Qacida ku xiran ee haddana safarrada u fududeysa. Sanadihii 2007, 2008 illaa 2009 illaa labaataneeyo dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegaa inay intay Maraykanka kasoo tageen ay ku biireen Xarakadda Al-Shabab oo ay dagaallameen qaarna meelo ka mid ah Soomaaliya ayay isku qarxiyeen. Maalin ka hor dawlada Ciraaq waxay sheegtay in duqeyn ay diyaaradaheeda ka geysteen meel u dhaw magaalada Falluja oo Al-Qacida ay xarun ku laheyd inay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Al-Qacida ka tirsanaa. Dalka Syria oo muddo sadex sanno ah dagaal ka socda waxaa la aaminsan yahay inay tageen dhalinyaro dhawr waddan u kala dhalatay oo ka kala tegey waddamo reer galbeed ah. Dhawaan dawlada Maraykanku waxay sheegtay in ruux kasoo jeeda gobolka Florida ee dalka Maraykanka oo la oran jiray Max’ed Abu Salxa uu noqday shaqsigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo Syria fal is qarxin ah ka geystey COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|