|
|||||
WAJAALE NEWS
”Silaanyo Iyo Muuse Biix-Ga aad Isku Haysataa Waxaa laga waayay qadhaankii aysku qore;;;; ”. Sheekh Aadan Siiro
June 12, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Allleh naxariistiisii janatul fardawsa ha ka waraabiyee waxaa maanta Magalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Wariye:MM Kastam oo shalay ku geeriyooday Cisbitaalka wayn ee Magaalada Hargeysa. Marxuumka oo maydkiisa saaka laga qaaday Cisbitaalka Wayn ee Magaalad Hargeysa ayaa waxaa lagu aasay Xabaalaha Xeedho,waxaana Maydka jinaasadiisii ka soo xaadiray Madax,Aqoonyahan,Suxufiyiin,Culimo,iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan. Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Siiro) oo dadweyne aad u farabadan ku tukinayey janaasada Maydka ayaa ka dib halkaasi dadkii ka soo qayb galay waxaa uu jeediyey hadalo dardaaran ah oo ku aadan Alleh ka cabsi iyo in qof waliba uu dib u xasuusto in maalintani oo kale sugayso,waxaana uu halkaasi hadalo duco ah uu Alleh uga baryey marxuumka in uu naxariistiisii janatul fardawsa uu ka waraabiyo una dambi dhaafo. Sheekh Aadan Siiro ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay xabaalaha Xeedho ee dadka lagu aaso in ay buux sameen isla mar ahaantaana ay door bideen in ay u iibiyaan beer kale oo ka agdhaw,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in beer taasina ay aad qaali ku noqotay oo ninkii lahaa uu lacag aad u badan ku doonayo. ”afar bilood baan maqnaa xabaalihii way buuxaan waxaan Lix bilood gaadhaynaa baa hadhay meel la idinku aasaa ma jirto, beerta ku xigta xabaalaha ninkii lahaa shan boqol oo kun buu ku diiday, dhulkiina waa la kala yeeshay”Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro
Sheekh Aadan Maxamuud (Siiro) oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in qaadhaankii loogu ururinayey markii Xabaalaha la iibinaayey laga la’a yahay Siilaanyo Iyo Muuse Biixi “Siilaanyo iyo muuse biixi-gaad isku haysataan waxa laga la’yahay shan shantii boqol ee ay isku qoreen markii aanu xabaalahan iibinaynay mooyi meel ay geeyeen hantida ay maamulaan ” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro –
Wajaalenews desk Hargeisa office Email;wajalenews@gmail.com Related posts:Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Waramay Qaabkii Loo Xidhay+Sidii Loola Dhaqmay, Hanjabaad Culusna Ud... Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Oo si Qotodheer U Sharaxay Caqabadaha Hortaagan Ansixinta Gobolnimad... Wasiir ka tirsan xukumada Siilanyo iyo Agaasime Guud oo isku wasaarada oo dagaal gacan ka hadali dhe... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|